{"id":1090,"date":"2026-06-09T15:37:30","date_gmt":"2026-06-09T15:37:30","guid":{"rendered":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/?p=1090"},"modified":"2026-06-09T15:37:30","modified_gmt":"2026-06-09T15:37:30","slug":"waa-kuma-ferhat-alkan-safiirka-cusub-ee-ankara-u-soo-dirtay-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/waa-kuma-ferhat-alkan-safiirka-cusub-ee-ankara-u-soo-dirtay-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Waa kuma Ferhat Alkan Safiirka cusub ee Ankara u soo dirtay Soomaaliya?"},"content":{"rendered":"<div class=\"xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dowladda Turkiga ayaa u magacowday danjire Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u fadhiya Soomaaliya, iyadoo magacaabistan ay qeyb ka tahay isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ferhat Alkan ayaa beddelaya safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Alper Akta\u015f, oo loo wareejiyay xilka safiirka Turkiga ee Waqooyiga Macedonia.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Alkan waa diblomaasi khibrad dheer leh oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga sanadkii 2001. Intii uu ku jiray shaqada diblomaasiyadda, wuxuu kasoo shaqeeyay safaaradaha Turkiga ee Kabul iyo Washington, sidoo kale wuxuu soo noqday Qunsulka Guud ee Turkiga ee Houston iyo la-taliye sare oo ka tirsan safaaradda Turkiga ee Beijing.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Kahor magacaabistiisa Soomaaliya, Ferhat Alkan wuxuu tan iyo Febraayo 2025 ahaa safiirka Turkiga ee Mozambique.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Danjire Alkan wuxuu shahaadada xiriirka caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Middle East Technical University, halka shahaadada mastarka uu ka qaatay Jaamacadda Nottingham ee Boqortooyada Ingiriiska.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Turkiga uu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Turkiga ayaa u magacowday danjire Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u fadhiya Soomaaliya, iyadoo magacaabistan ay qeyb ka tahay isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga. Ferhat Alkan ayaa beddelaya safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Alper Akta\u015f, oo loo wareejiyay xilka safiirka Turkiga ee Waqooyiga Macedonia. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1091,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"footnotes":""},"categories":[8,13],"tags":[],"class_list":["post-1090","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-caalamka","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1090","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1090"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1090\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1092,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1090\/revisions\/1092"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1091"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1090"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1090"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1090"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}