{"id":883,"date":"2026-05-12T11:42:06","date_gmt":"2026-05-12T11:42:06","guid":{"rendered":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/?p=883"},"modified":"2026-05-12T12:12:31","modified_gmt":"2026-05-12T12:12:31","slug":"pakistan-oo-iska-fogaysay-in-ay-ku-lug-leedahay-dagaal-maraykanka-iyo-iran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/pakistan-oo-iska-fogaysay-in-ay-ku-lug-leedahay-dagaal-maraykanka-iyo-iran\/","title":{"rendered":"Pakistan oo iska fogaysay in ay ku lug leedahay dagaal Maraykanka iyo Iran"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Pakistan ayaa si adag u beenisay sheegashada ah in ay saldhigyadeeda cirka ku martigelisay diyaaradaha militari ee Iran, gaar ahaan saldhigga cirka ee Nur Khan ka dib warbixin ay baahisay warbaahinta CBS News.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa warbixintaas ku tilmaantay \u201cmid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana marin habaabin ku ah shacabka\u201d, iyadoo sheegtay in wararka noocaas ahi ay ku saleysan yihiin mala-awaal siyaasadeed oo aan la hubin. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in faafinta xogaha noocaas ah ay dhaawici karto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xasilinayo xaaladda gobolka.<\/p>\n<p>Warbixinta CBS News ayaa soo xiganaysay laba sarkaal oo Mareykan ah, kuwaas oo sheegay in Pakistan si qarsoodi ah ugu oggolaatay Iiraan inay ku kaydsato qaar ka mid ah diyaaradahaheeda militari saldhigyo ku yaalla gudaha dalkaas. Sida warbixintu sheegtay, tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka tahay dadaal ay Iiraan ku dooneyso inay hantideeda militari kaga gaashaamato weerarro cirka ah oo ka iman kara Mareykanka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Iiraan ay qaar ka mid ah diyaaradaha rayidka ah u dirtay Afghanistan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in diyaaradahaasi ay ku jireen kuwo militari.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli gobolka uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo kuwo militari oo sii kordhaya, iyadoo wararka noocan ah ay sare u qaadi karaan shakiga iyo walaaca la xiriira amniga gobolka. Ilaa hadda, ma jiraan caddeymo madax bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya sheegashada la xiriirta saldhigyada Pakistan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Pakistan ayaa si adag u beenisay sheegashada ah in ay saldhigyadeeda cirka ku martigelisay diyaaradaha militari ee Iran, gaar ahaan saldhigga cirka ee Nur Khan ka dib warbixin ay baahisay warbaahinta CBS News. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa warbixintaas ku tilmaantay \u201cmid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana marin habaabin ku ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":884,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"footnotes":""},"categories":[18,8,13],"tags":[],"class_list":["post-883","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-bariga-dhexe","category-caalamka","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=883"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/883\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":885,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/883\/revisions\/885"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/884"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}