{"id":906,"date":"2026-05-14T07:13:10","date_gmt":"2026-05-14T07:13:10","guid":{"rendered":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/?p=906"},"modified":"2026-05-14T07:30:58","modified_gmt":"2026-05-14T07:30:58","slug":"gudaha-al-shabaab-kooxda-oo-wajahday-dhaqaale-xumo-baahsan-iyo-qaab-dhismeedkeeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/gudaha-al-shabaab-kooxda-oo-wajahday-dhaqaale-xumo-baahsan-iyo-qaab-dhismeedkeeda\/","title":{"rendered":"Gudaha Al Shabaab: Kooxda oo wajahday dhaqaale xumo baahsan iyo qaab-dhismeedkeeda."},"content":{"rendered":"<p>Xog gaar ah oo ay heshay <strong>Inside Somalia<\/strong> ayaa daaha ka rogtay faahfaahin ku saabsan qaabka kooxda Al-Shabaab u maamusho mushaaraadka iyo gunnooyinka maleeshiyaadkeeda, xilli kooxda ay wajahaysa cadaadis dhaqaale oo xooggan sanadihii la soo dhaafay.<\/p>\n<p>Macluumaadka la helay ayaa muujinaya in kooxda ay leedahay nidaam kala sarreyn lacageed oo si toos ah ugu xiran darajada iyo masuuliyadda xubnaha iyo hogaanka kooxda.<\/p>\n<p>Xogta ayaa tilmaamaysa in waxa loogu Amiirka Liwaa, oo ah taliye guuto, uu helo $600 bishii, halka Amiirka Katiibada, oo u dhigma taliye urur, uu qaato $300. Sidoo kale Amiirka Siriyada, oo ah taliye horin, ayaa mushaar ahaan loo siiyaa $200, halka Amiirka Jeysh, oo ah abaanduule heer horin, uu qaato $150.<\/p>\n<p>Dhanka kale, dagaalyahannada ajaanibta ah ama muhajiriinta ayaa la siiyaa $250 bishii.<\/p>\n<p>Xogta ayaa sidoo kale muujinaysa farqi weyn oo u dhexeeya mushaarka askarta caadiga ah, iyadoo askariga xaaslaha ah uu qaato $70, halka askariga doobka ah mushaarkiisu yahay $30 oo keliya bishii. Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in bilihii ugu dambeeyay uu mushaaraadku dhowr bil ka maqnaa ama ay heleen lacago ka yar mushaarkii ay filayeen.<\/p>\n<p>Marka laga yimaado mushaarka doolarka ah, kooxda ayaa sidoo kale bixisa gunnooyin lagu xisaabiyo qaab gudaha ah oo loo kala qeybsado sidan:<\/p>\n<p>Liwaa, 900 ilaa 1000 qof, Katiibo, 300 qof, Siriyo, 100 qof, Fasiilo, 30 qof, halka Majmuuca uu yahay 11 qof sida uu u dhisan yahay qaabka dhismeed ciidanka. Saraakiil amniga ayaa u sheegay in hogaanka sare ee kooxda ay sanado badan samaynayeen maalgashi gudaha iyo dibada isku jira iyagoo samaystay wakiil gudaha dibada ah kuwaas oo hada dowladu ku daba jirto. xogta ayaa tilmaamaysa in ay si xoogan lacag u galiyeen iibsashada iyo kiraynta guryaha ama Real Estate-ka.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya gaar ahaan hay&#8217;adaha amniga ayaa dhawaan baaritaano ku sameeyay ganacsiyada iyo guryo ku yaalla Muqdisho taas oo hada keentay in dowladu ganacsata ku soo rogto taalaabooyin dheeraad ah oo hubin ah inkastoo talaabadaasi ay ganacsato diiday kuna tilmaamtay mid cadaadis lagu saarayo ganacsata oo horay ula kulmaysay cadaadis badan iyo dhaqaalaha wadanka oo hooseeya.<\/p>\n<p>Documents oo ay arragtay Inside Somalia ayaa muujinaya in dowladu ganacsata Muqdisho ku soo rogtay 9 qodob oo hada ganacsato diidan tahay. Lama oga in ay dhaqan gali doonto iyo inkale.<\/p>\n<p>1-Business license (Shatiga Hay&#8217;adda)<\/p>\n<p>2-Passport Owners (Milkiilaha baasaboorkiisa)<\/p>\n<p>3-Company Profile (Hay&#8217;adda Profile-keeda)<\/p>\n<p>4-Notory (Nootaayada\/Xeerhoosaadka\/ By Law-ga)<\/p>\n<p>5-Company E-mail (Hay&#8217;adda E-maile-keeda)<\/p>\n<p>6-Phone Number (Number-ka Hay&#8217;adda)<\/p>\n<p>7-Bank Account(Akoon bangiyadooda)<\/p>\n<p>8-Name of the House Owner And Resident Organization (Magaca milkilaha Guriga Hay&#8217;adda ay degan yihiin)<\/p>\n<p>9-House Rent (Lacagta kirada guriga)<\/p>\n<p>Ganacsata ayaa ku eedeeysay dowladda culays badan oo dhaqaale iyo amaro is dabajoog ah, baaritaano aan dhamaad lahayn.<\/p>\n<p>Khubarada amniga ayaa aaminsan in nidaamkan mushaareed uu muujinayo culayska dhaqaale ee kooxda soo foodsaaray sanadihii dambe, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka dhaqaale, xirtay akoonnadii kooxda, isla markaana yareysay dhaqaalihii baadda ahaa ee ay ka heli jireen shacabka iyo ganacsatada.<\/p>\n<p>Falalqeeyayaashu waxay sheegayaan in hoos u dhaca ilaha dhaqaale uu si weyn u saameeyay awoodda kooxda ee dhinacyada qorista maleeshiyaadka cusub, dhiirrigelinta xubnaha, iyo joogtaynta howlgaladeeda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xog gaar ah oo ay heshay Inside Somalia ayaa daaha ka rogtay faahfaahin ku saabsan qaabka kooxda Al-Shabaab u maamusho mushaaraadka iyo gunnooyinka maleeshiyaadkeeda, xilli kooxda ay wajahaysa cadaadis dhaqaale oo xooggan sanadihii la soo dhaafay. Macluumaadka la helay ayaa muujinaya in kooxda ay leedahay nidaam kala sarreyn lacageed oo si toos ah ugu xiran [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":907,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"footnotes":""},"categories":[13],"tags":[],"class_list":["post-906","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/906","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=906"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/906\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":911,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/906\/revisions\/911"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/907"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=906"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=906"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=906"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}