{"id":941,"date":"2026-05-16T13:09:40","date_gmt":"2026-05-16T13:09:40","guid":{"rendered":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/?p=941"},"modified":"2026-05-16T13:10:05","modified_gmt":"2026-05-16T13:10:05","slug":"qaramada-midoobeey-oo-walaac-ka-muujisay-xaalada-siyaasadeed-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/qaramada-midoobeey-oo-walaac-ka-muujisay-xaalada-siyaasadeed-ee-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobeey oo walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Transition Mission in Somalia, ayaa ka hadlay natiijo la\u2019aanta ku soo dhammaatay wada-hadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May, kuwaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu bogaadiyay dib u billowga wada-xaajoodyada, iyadoo sidoo kale loo mahadceliyay saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay fududeynta kulamadaasi.<\/p>\n<p>Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku aaddan in wada-hadalladaasi mar kale ku soo dhammaadeen iyadoo aan xal laga gaarin qodobadii muhiimka ahaa ee la isku mari waayay.<\/p>\n<p>Xafiiska ayaa xusay in dhinacyadu ay muujiyeen rabitaan ah inay sii wadaan wada-hadalka, isla markaana ay raadiyaan hannaan wax ku ool ah oo lagu xallin karo khilaafaadka jira.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad kala guur ah, iyadoo howlgalka United Nations Transition Mission in Somalia la filayo inuu soo gabagabeeyo shaqadiisa bisha October ee sanadkan.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mudnaanta siiso wadatashi loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, si loo helo is-afgarad ku saabsan hannaan doorasho oo mideyn kara dalka isla markaana la hirgelin karo.<\/p>\n<p>Sidoo kale, bayaanka ayaa shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada xaaladda bani\u2019aadannimo ee adag iyo khatarta joogtada ah ee argagixisada.<\/p>\n<p>Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay is-xakameyn siyaasadeed, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo bah-wadaagta caalamiga ah si loo taageero dadaallada lagu soo afjarayo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Transition Mission in Somalia, ayaa ka hadlay natiijo la\u2019aanta ku soo dhammaatay wada-hadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May, kuwaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu bogaadiyay dib u billowga wada-xaajoodyada, iyadoo sidoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":942,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"footnotes":""},"categories":[8,13],"tags":[],"class_list":["post-941","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-caalamka","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/941","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=941"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/941\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":943,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/941\/revisions\/943"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/942"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=941"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=941"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/insidesomalia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=941"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}