Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (Saudi Press Agency) ayaa sheegtay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo saddex kale oo Itoobiyaan ah lagu toogtay gobolka koonfureed ee Najran, iyadoo lagu eedeeyay “in ay boqortooyada soo geliyeen maandooriyaha nooca xashiishka ah.”
Hal nin oo Sacuudiyaan ah ayaa isna loo toogtay dilka hooyadiis.
Dilalkan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn u kordhayaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, kuwaas oo intooda badan lala beegsanayo muwaadiniinta ajnabiga ah ee lagu soo eedeeyo dambiyada maandooriyaha.
Xaaladdan ayaa ay hay’adaha Reprieve oo fadhigeedu yahay UK iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Sacuudiga iyo Yurub (ESOHR) ku tilmaameen “xaalad dilal ah oo aan hore loo arag.”
Tan iyo markii mas’uuliyiinta Sacuudigu sannadkii 2021 ka laabteen joojin aan rasmi ahayn oo lagu sameeyay xukunnada dilka ee dambiyada maandooriyaha, boqortooyadu waxay si degdeg ah u kordhisay fulinta xukunnada dilka.
Sannadkii 2024, Sacuudi Carabiya waxay toogatay 345 qof — tiradii ugu badnayd abid — kuwaas oo ku dhawaad kala bar lagu eedeeyay dambiyo aan dil ahayn, sida ay sheegtay hay’adda Reprieve.
Sannadkan, waxaa muuqata in rikoodhkaas la jabin doono, maadaama ilaa hadda la toogtay 230 qof sannadka 2025, sida lagu sheegay tirokoob ay diyaarisay wakaaladda wararka ee AFP. Dadkaas, 154 ka mid ah waxaa lagu helay dambiyo la xiriira maandooriyaha.
Muwaadiniinta ajnabiga ah ayaa si gaar ah ugu nugul halistan, iyagoo ka ahaa 92 qof oo ka mid ah dadkii la toogtay sannadkii 2024.
Sida ku cad xog ururin ay sameeyeen hay’adaha Reprieve iyo ESOHR, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2021, Sacuudi Carabiya waxay muwaadiniin ajnabi ah u fulisay xukunnada dilka ee dambiyada maandooriyaha ku dhawaad saddex laab ka badan tirada muwaadiniinta Sacuudiga ee isla dambiyadaas loo toogtay.

