Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo Gacanta Ku Dhigay Magaalada Istaraatiijiga ah ee Bariire

Share

Dagaal socday todobaad oo ay adkaysi badan sameeyeen ciidanka Xoogga dalka iyo ciidanka Uganda ee qaybta ah AUSSOM ayaa galabta sababay in magaaladda Strategy-ga ah ee Bariire laga saaro kooxda argagixisada ah.
Saraakiisha amaanka oo wali howlgalka wada ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in kooxda ay noqotay kuwa godadka ku gubtay maadaama duqaymo xooggan lala beegsaday iyo kuwa nolosha laga qabtay.
Sarkaal ka tirsan Malatariga ayaa burburka magaaladda gaaray ku sifeeyay wax aan horay loo arag maadaama kooxdu godad ka qodotay guryaha rayidka hoostooda laguna duqeeyay.
Ciidanka ayaa hada qorshuhu yahay in ay u jahaystaan magaaladda Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose taas oo ka dhigan in kooxda dib looga riixay deegaanadii ay qabsadeen Ramadaankii la soo dhaafay.
Howlgalka Duufaanta Aamusan ayaa durba laga soo hooyay guulo muhiim ah ka dib qabsashada Sabiib, Caanoole iyo Bariire. Guusha howlgalka ee galabta ayaa sidoo kale ku soo aaday xilli maanta taliyaha Milatariga oo wata diyaaraha qumaatiga u kaca uu gaaray jiida hore ee dagaalka.
insidesomalia.net

Read More

Smiliar to