Saturday, October 18, 2025
27.9 C
Mogadishu

Qabashada Bariire oo muujisay “Riyada aan rumoobayn ee Al Shabaab.

Share

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ciidamada qalabka sida ee dalka iyo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaddib markii ay si guul leh dib ugu qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Bariire oo ay ka talinayeen kooxda Al Shabaab, isaga oo sheegay in ay muujiyeen “geesinimo iyo naf-hurnimo.”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo kaashanaya ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ee hoos taga howlgalka kala guurka Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyay Al Shabaab, kaddib maalmo ay socdeen howlgallo dhanka dhulka iyo cirka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Al Shabaab la dilay, halka labo askari Soomaaliyeed ay ku shahiideen, 12 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Fiqi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku yiri: “Waxaan bogaadinayaa geesinimada iyo guusha ciidamadeenna safka hore, gaar ahaan kuwa Bariire, oo todobaad dhan la dagaallamayey Al Shabaab.”

Shacabka oo dib ugu laabanaya

Wuxuu sheegay in Al Shabaab ay magaalada ku aasnaayeen miinooyin, qodeen jeex-jeexyo difaac ah, isla markaana ay weerarro badan soo qaadeen si ay u horjoogsadaan ciidamada, balse “xeeladahooda fashilmeen.”

Fiqi ayaa intaa ku daray in kooxda la gaarsiiyay jab culus oo ay ku jiraan ku dhowaad 120 lagu dilay, in ka badan 100 lagu dhaawacay, tiro kale oo badan la qabtay, hubkoodana ay isaga carareen. Waxaa socda shaqo miino saar ah si shacabka ka barakacay ay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda, isagoo adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee magaalada Bariire.

“Guushan ma aha oo keliya mid farsamo; waa dharbaaxo weyn oo loo geystay Al Shabaab iyo guul wayn oo u soo hoyatay ciidamadeenna. Bariire waxay tahay buundo muhiim ah oo isku xirta Shabeellaha Hoose iyo caasimadda Muqdisho, isla markaana ahayd marin muhiim ah oo ay isticmaalayeen argagixisada,” ayuu yiri wasiirku.

‘Riyo aan rumoobayn’

Fiqi ayaa sheegay in war-propagando ay Al Shabaab ku faafinayeen gudaha iyo dibaddaba si ay cabsi iyo been u abuuraan ay burburtay, isla markaana guul-darrada ka soo gaartay Bariire ay caddeyn u tahay in sheegashadooda soo kabashada ay tahay “riyo aan rumoobayn.”

Wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada guuleystay:

Magaaladdaan oo ku taalla goob Strategy ah ayaa qabashadeedu waxa ay fududayn doontaa dib u qabsashada Awdhiigle taas oo kooxda u qasbaysa in ay dib uga baxaan deegaano kale oo ay qabsadeen Ramadaankii la soo dhaafay.

“Waxaad kor u qaadeen niyadda saaxiibadiinna safka hore iyo malaayiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Tani ma aha dhammaadkii; waxaan u mahadcelinaynaa Eebbe guushan. Waxaan sii wadeynaa dagaalka illaa aan ka helno Soomaaliya ka xor ah argagixisada.”

Kooxda Al Shabaab ayaa ku lug lahayd dagaal ka socda Soomaaliya in ka badan 18 sano, iyagoo bartilmaameedsanaya ciidamada iyo shacabka. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada qaranka oo ay garab taagan yihiin ciidanka Midowga Afrika ayaa muddooyinkii dambe guulo waaweyn ka gaaray dagaalka, taas oo keentay in ammaanka dalka uu soo hagaago.

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira