Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Dowlad goboleedka koonfur-galbeed Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana masuul ahaa qaybta maaliyadda kooxda.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Abukar Cali, madaxa maaliyadda Al-Shabaab, oo gacanta ku hayay maamulidda lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka iyo isku-dubaridka qorista carruurta askarta loo tababaro, lagu dilay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
“Cabdullaahi Abukar wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah oo muddo dheer ku howlgalayay Bakool, isagoo ka tirsan saraakiisha ugu la raadraac badnaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ammaan u jeedisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo fuliyay hawlgalka, iyadoo sheegtay in weerarkan saxda ah uu meesha ka saaray khatar weyn isla markaana uu dhabarjab ku noqday shabakadda hawlgal ee Al-Shabaab ee gobolka.
Hawlgalka ugu dambeeyay ayaa yimid maalin kaddib markii ciidamada isbahaysiga ah dib u qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, taas oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay saldhig ay ka abaabulaan weerarrada argagixiso ee gobolka iyo magaalada Muqdisho.