Saturday, October 18, 2025
29.9 C
Mogadishu

Khayre oo diiday barakicinta qoysaska danyarta ah.

Share

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

Kheyre oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday qoysas danyar ah oo ku noolaa garoonka kooxda Horseed ee Ciidamada Qalabka Sida, uu yahay arrin laga xumaado.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta dowladdu ku qaadday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay kooxda Horseed ku lahayd degmada Hodan. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una bogsiiyo kuwii ku dhaawacmay,” ayuu yiri Kheyre.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo “laynta shacabka iyo barakicinta dadka danyarta ah,” isagoo ugu baaqay inuu si degdeg ah u joojiyo “boobka dhulka danta guud, gumaadka shacabka iyo barakicinta dadweynaha.”

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira