Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr/Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo talaado ah booqday cutubyo ciidanka deegaanka ee Macawisley ah, kuwaas oo lagu diyaariyay deegaanka Xaluule ee hoos yimaada degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Tirada xoogaggan xaq-u-dirirka ah ayaa ah middii ugu badnayd ee hal mar laga abaabulo mandiqadda.
Duqa Muqdisho oo kaalin muuqata ku lahaa diyaarinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee loogu talagalay ka qaybgalka duullaanka ku wajahan Khawaarijta, ayaa ciidamada Macawisleyda ah u sheegay in dhawaan la billaabi doono hawlgal saf ballaaran, iyadoo la fulinayo hagidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dr/Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa warbixin ku saabsan diyaargarowga ciidamada deegaanka siiyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar. Wuxuu caddeeyey in ciidamadan Macawisleyda ah oo gaaraya boqollaal mujaahid, aysan ku jirin hal xubin oo katirsan Ciidanka Qaranka, balse dhammaantood ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.
Kormeerkan uu maanta ku tegay deegaanka Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa qayb ka ahaa safar shaqo oo uu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ku marayo deegaanno katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Safarka ayaa shalay uga billaabmay deegaanka Xaaji Cali ee degmada Cadale, waxaana uu kusoo maray degmada Raage-Ceelle iyo Xerada Ciidanka ee deegaanka Qorillow. Ujeeddada guud ee socdaalkan ayaa ah dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya iyo amniga muwaadiniinteeda.