Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada X ku sheegay in Puntland ay khatar weyn ugu jirto go’doonka siyaasadeed ee ay si iskeed ah isku gelisay, taas oo sababi karta dhaqaale xumo, gadood ciidan, shaqo la’aan iyo mashruuc la’aan ku timaadda gobolka.
Warsame oo ah aqoonyahan caan ah ayaa xusay in Soomaaliya weli ku tiirsan tahay taageerada beesha caalamka iyo mashaariicda horumarineed, sidaas darteed cid kasta oo ka baxda miiska siyaasadda iyo qorshayaasha lagu dhisayo dalka ay wajahdo cawaaqib xumo toos ah. Waxa uu tilmaamay in tallaabadaas ay horseedi karto in aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha Puntland ay ka hayaamaan degaanka, isla markaana dhalinyaradu ku khasbanaadaan tahriib.
Dhawaan Puntland ayaa sheegtay in ay deegaanka maamulkaasi ka tageen Injineero xirfad sare lahaa oo Puntland loo tababaray ka dib markii ay waayeen mushaaraad ku filan kana shaqaystaan maamulka dariska la ah ee Galmudug.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Warsame ayaa weydiiyay su’aal muhiim ah: “Puntland ma ku sii jiri kartaa go’doonka siyaasadeed mise waxay iska difaaci doontaa qorshayaasha lagu wiiqayo wadajirka iyadoo talo la’aan ah?”
Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo ka hadasha maslaxadda guud ee dalka iyo dadka lagu weeraro baraha bulshada, iyadoo loo adeegsanayo kooxo dhalinyaro ah oo lagu abaabulo cay iyo aflagaaddo, taasoo uu sheegay inay dhaawaceyso wada-tashiga iyo horumarka.
Qoraalkan uu Cali Xaaji Warsame ku faafiyay X ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay weli ku jirto khilaaf siyaasadeed oo ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, iyadoo arrintaasi saamayn ku yeelatay wada shaqeynta iyo ka faa’iidaysiga deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya.