Saturday, May 2, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wasiirka Arrimaha Dibadda Holland oo iscasiley kadib khilaaf ka dhashay cunaqabataynta Israa’iil.

Share

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Netherlands, Caspar Veldkamp, ayaa ku dhawaaqay iscasilaad kadib markii uu ku guuldareystay in golaha wasiirradu taageeraan qorshihiisa ku aaddan in la kordhiyo cunaqabataynta ka dhanka ah Israa’iil oo sii wada weerarrada ka socda Gaza.

Veldkamp, oo ka tirsan xisbiga New Social Contract, ayaa sheegay in uu marar badan wajahay caqabado ka yimid xubno kale oo golaha wasiirrada ah, kuwaas oo diiday in la hirgeliyo tallaabooyin culus. Wasiirku wuxuu horay u soo rogay mamnuucid safar oo ka dhan ah wasiirrada Israa’iil ee Bezalel Smotrich iyo Itamar Ben-Gvir, isaga oo ku eedeeyay in ay kiciyeen rabshadaha dhulboobka ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Sidoo kale wuxuu joojiyey saddex rukhsad oo dhoofinta qalab ciidamada badda ah, isaga oo ka digay khatar ku saabsan in loo adeegsado xaaladaha sii xumaanaya ee Gaza. “Waxaan arkaa waxa ka socda Gaza City, waxa ka socda Daanta Galbeed iyo qorshaha dhismaha degmo cusub oo E1 ah, iyo sidoo kale Bariga Qudus,” ayuu ku yiri saxaafadda.

Iscasilaaddiisa kadib, dhammaan wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada xisbiga New Social Contract ayaa iyaguna si wadajir ah uga baxay xukuumadda ku meelgaarka ah, taasoo ka dhigtay in Nederland ay waaydo wasiir arrimo dibadeed, xilli Midowga Yurub uu ku hawlan yahay arrimaha amniga Ukraine iyo wadaxaajoodyo ganacsi oo uu la leeyahay Maraykanka.

Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa sheegtay in Veldkamp uu cadaadis xooggan kala kulmayey xildhibaannada mucaaradka oo dalbanayay in si weyn loo adkeeyo cunaqabataynta, gaar ahaan kadib weerarradii Israa’iil ku qaaday Gaza City iyo rabshadaha sii kordhaya ee Daanta Galbeed.

In kasta oo Netherlands ay qaaday tallaabooyin kooban, haddana dalkaasi weli wuxuu qeyb ka yahay silsiladda saadka ee diyaaradaha dagaalka F-35 oo Israa’iil u adeegsato duqeymaha Gaza. Cilmi-baaris ay sameeyeen dhalinyarada Falastiiniyiinta ayaa muujisay in maraakiibta sida qaybaha diyaaradahaasi si joogto ah uga degaan dekedda Rotterdam.

Diyaaradaha F-35 ayaa si weyn loogu adeegsaday duqeymaha Gaza, kuwaas oo burburiyey qeyb weyn oo ka mid ah dhulka la dego, islamarkaana sababay dhimashada in ka badan 62,000 qof tan iyo bishii October 2023.

Toddobaadkan, Netherlands waxay ku biirtay 20 dal oo cambaareeyay go’aanka Israa’iil ee ku saabsan ballaarinta deegaamaynta ee Daanta Galbeed, taasoo ay ku tilmaameen “mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.”

Dhanka kale, duqeymaha Israa’iil ayaa weli socda, iyadoo kumannaan qof lagu khasbay inay ka barakacaan Gaza City, xilli hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijiyeen in magaalada iyo nawaaxigeeda si rasmi ah loo galay xaalad macluul ah.

Lama magacaabin wasiir cusub oo beddelaya Veldkamp, waxaana la filayaa in xukuumadda ku meelgaarka ah ee Netherland ay sii joogto inta laga helayo isbahaysi cusub doorashada bisha October, taasoo laga yaabo in waqti dheer qaadato.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to