Monday, October 6, 2025
25 C
Mogadishu

Dr. Aadan Aw-Xassan waa kuma gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka waqooyi bari Soomaaliya?

Share

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Waqooyi-bari ayaa Sabtidii maanta lagu qabtay doorashada hoggaanka Baarlamaanka cusub, taas oo noqotay dhacdo siyaasadeed oo taariikhi ah. Deegaanka maamulka loo sameeyay sanado badan ku suntanaa mid lagu muransan yahay.

Xildhibaanadii dhowaan la dhaariyey ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashadan ayaa loo arkay guul weyn oo dhinaca Dowladda Federaalka iyo garabka siyaasadeed ee Firdhiye, halka ay dharbaaxo siyaasadeed ku noqotay musharraxii mucaaradka, Cabdiqaadir Dheeliye, oo ololihiisu ahaa mid xooggan.

Maalinta doorashada lafteeda, Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ayaa sidoo kale dhaar ku galay xilka, taasoo calaamad u noqotay dhismaha dhameystiran ee Baarlamaanka Waqooyi-bari.

Aqoon iyo Khibrad Caalami ah

Dr. Aw-Xassan waa aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh maamulka iyo cilmi-baarista. Waxbarashadiisa hoose wuxuu ku soo qaatay Soomaaliya, halka uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay dalka Maraykanka. Sanadkii 1992 ayuu ka qaatay Ph.D. cilmiga dhaqaalaha beeraha ee jaamacadda Oklahoma State University.

In ka badan 25 sano ayuu ka shaqeynayey hay’adda caalamiga ah ee ICARDA, halkaas oo uu hoggaaminayey barnaamijyo cilmi-baaris oo ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo siyaasadda bulshada.

Gudaha dalka, Dr. Aw-Xassan hore ayuu uga soo noqday Wasiirka xanaanaddabXoolaha ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC, sidoo kalena wuxuu u tartamay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka SSC sanadkii 2023.

Tartankii Guddoomiyaha

Doorashadii Guddoomiyaha waxay ahayd mid adag oo ay si weyn isugu dheelli tirnaayeen labada dhinac. Wareegii koowaad ee codbixinta, Dr. Aw-Xassan wuxuu helay 53 cod, halka musharraxa mucaaradka Cabdiqaadir Dheeliye uu helay 29 cod.

Natiijadaasi waxay muujisay taageero ballaaran oo dhinaca Dowladda Federaalka iyo Firdhiye u heysteen, waxayna farriin culus u dirtay mucaaradka oo weli isku dayaya inuu saameyn ku yeesho siyaasadda gobolka.

Doorka Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door muuqda ku lahayd guushan. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kulamo la yeeshay isimmo dhaqameedyo iyo aqoonyahanno gobolka ka soo jeeda.

Dastuurka cusub ee gobolka oo la ansixiyey 30-kii Luulyo 2025 ayaa noqday aasaaska sharci ee lagu dhisayo maamulka cusub. Dowladda Federaalka waxay doorbideysaa in Cabdulqaadir Firdhiye, hoggaamiyihii maamulka ku-meel-gaarka ah, uu sii hoggaamiyo maamulka cusub, halka Cabdirashiid Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, loo arko musharraxa ku habboon xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

Wejiga Cusub ee Siyaasadda Gobolka

Doorashada Dr. Aw-Xassan waxay calaamad u tahay marxalad cusub oo siyaasadeed oo uu galay Gobolka Waqooyi-bari. Baarlamaanka cusub oo dhismihiisa la dhammeystiray kadib, tallaabada xigta ayaa noqon doonta samaynta golaha fulinta iyo diyaarinta doorashada madaxtinimada.

Taageerayaasha federaalka waxay u arkaan guushan mid ka tarjumaysa horumar iyo dhismaha dowlad-goboleed awood leh, halka mucaaradka ay ku khasban yihiin dib u qiimeyn iyo isku dubbarid cusub.

Caqabadaha horyaalla.

Gudoomiyaha cusub ayaa hogaamin doona, Baarlamaan lagu soo xulay hanaanka beelaha ee 4.5, isla marnaa ay kooban yihiin xildhibaanada ay isku reerka yihiin taas oo ka dhigi doonta in go’aanadiisa lagu hor istaago codka aqlabiyada baarlamaanka.

Si kastaba, Laascaanood waxay Sabtidii martigelisay dhacdo siyaasadeed oo dhaxal gal ah, waxaana Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan si rasmi ah uga dhigay wejiga cusub ee siyaasadda gobolka.

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira