Friday, May 1, 2026
28 C
Mogadishu

Congo 193 oo ku dhintay shil doomo.

Share

Waqooyi-galbeed Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) ayaa toddobaadkan waxaa ka dhacay laba shil oo doomo ah oo sababay dhimashada ugu yaraan 193 qof, halka tobaneeyo kalena weli la la’yahay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta iyo warbaahinta dowladda.

Shilka ugu dambeeyay ayaa dhacay Khamiistii fiidkii, markii dooni ay saarnaayeen ku dhowaad 500 qof uu dab qabsatay kaddibna ku degtay webiga Congo, gaar ahaan deegaanka Lukolela ee gobolka Equateur. Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegtay in 107 qof ay ku dhinteen, halka 209 kalena la badbaadiyay. Sidoo kale, qoraal kale oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa tilmaamay in weli 146 qof la la’yahay.

Maalin ka hor, Arbacadii, dooni matoor leh ayaa ku degtay dhulka Basankusu ee isla gobolkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 86 qof, badankood arday. Tirada dadka la la’yahay lama shaacin.

Warbaahinta dowladda ayaa shilka Arbacada ku eedeysay xamuul badan iyo socdaal habeenkii, halka ururro bulshada rayidka ah ay dowlada ku dhaliileen in aan la hubin badqabka gaadiidka biyaha. Sawirro laga soo qaaday goobaha shilalka ayaa muujinayay dad deegaanka oo ku barooranaya meydadkii la soo saaray.

Ciidanka badda iyo bulshada deegaanka ayaa ka qayb qaatay hawlgallo samatabbixin ah, iyadoo dowladda Kinshasa ballan qaaday daryeel caafimaad oo loo fidinayo dhaawacyada, taageero loo siinayo qoysaska dhibbanayaasha iyo in la fududeeyo dib u celinta dadka badbaaday.

Gaadiidka doonyaha ayaa laf-dhabar u ah isu-socodka gudaha ee DRC oo ah dhul kayn ballaaran leh, balse inta badan maraakiibta waa duugoobay oo aan u adkaysan karin culayska rakaabka iyo badeecadaha. Jaakadaha badbaadaduna aad bay u yar yihiin, halka safarrada habeenkii ay caadi ka yihiin, taas oo samatabbixinta ka dhigaysa mid adag.

Shilalka maraakiibta ee webiga Congo ayaa noqday kuwo soo noqnoqda, iyadoo khasaare culus iyo dhimasho joogto ah lagu waayo, taas oo mar kale soo celisay su’aalaha ku saabsan sida dowladda DRC u maareyso ammaanka iyo badqabka gaadiidka biyaha.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to