Saturday, April 11, 2026
28.2 C
Mogadishu

Kala Ra’yi Duwanaan Siyaasadeed oo u Dhaxaysa Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiintii Taageeray 2019

Share

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto kala ra’yi duwanaan siyaasadeed oo u dhexaysa madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii dhisayay doorashadii 2019.
Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiintaas ayaa sida la sheegay ku kala ra’yi duwan xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Puntland.
Kala aragti duwanaanta labada dhinac ayaa sidoo kale khusaysa marxaladda siyaasadeed ee mustaqbalka gaar ahaanna doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu sameeyo isbeddelo xilli ay soo baxayso kala ra’yi duwanaanta labada dhinac.
insidesomalia.net

Read More

Smiliar to