Sanadihii ugu dambeeyay, siyaasadda Soomaaliya waxaa si xoog leh uga soo dhex baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo maanta loo arko mid ka mid ah xoogagga siyaasadeed ee ugu saamaynta badan dalka. Horumarka iyo awoodaha uu xisbigu ku yeeshay masraxyada siyaasada ma ahayn mid ku timid si sahal ah, balse waxay ka dhalatay hoggaan tayo leh, isbeddello joogto ah oo lagu sameeyay qaab dhismeedka xisbigga, iyo taageerada ballaaran ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo lagu tiriyo shaqsiyaadka ugu sumcada wanaagsan bulshada Soomaaliyeed maadaama taariikh ahaan uu ka soo jeedo qoys caan ku ah diinta, firfircoonidiisa siyaasiyaad, aqoontiisa, hogaamintiisa jaamacada Simad oo soo saartay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo soo yaalkiisa siyaasadeed ayaa ka dhigaya xisbiga uu hogaamiyo mid soo jiita dhalinyarada Soomaaliyeed ee hanka ka leh siyaasada.

Odowaa oo sidoo kale soo noqday wasiir iyo xildhibaan 3 mudo xileed ayaa loo doortay Xoghayaha guud ee Xisbiga JSP waxa uuna dib habayn xoogan ku sameeyay hogaanka Xisbiga taas oo keentay in uu soo jiito siyaasiyiin caan ah oo ku jiraan madaxda maamul goboleedyada, gudoonka Baarlamaanka, Wasiiro iyo madax kale taas oo dhigtay xisbiga midka ugu balaaran uguna saamaynta badan Siyaasada Soomaaliya.

JSP waxa uu noqday xisbi ay si weyn u daneeyaan shacabka, maadaama uu ku guuleystay in uu noqdo codka mideeya bulshada Soomaaliyeed ee ka daashay khilaafaadka iyo kala qaybsanaanta. Siyaasadda uu xisbigu ku dhisan yahay waxay xoogga saaraysaa, Cadaaladda bulshada, Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, Dhiirrigelinta dowlad-wanaagga iyo isla xisaabtanka iyo Isu keenidda bulshada Soomaaliyeed ayaa soo jiitay daneeye-yaal badan oo si joogta ah ugu biiraya xisbiga.

Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee JSP uu ku noqday xisbi awood badan waa ku biirista siyaasiyiin caan ah oo horey ugu jiray hormuudka siyaasadda dalka. Kuwaasi waxay xisbiga la yimaadeen khibrad, magac iyo taageerayaal badan. Taas ayaa sii xoojisay kalsoonida shacabka ee JSP, iyada oo xisbigu uu noqday meel ay ku kulmaan maskaxdii iyo khibraddii siyaasadeed ee dalka.
Hoggaanka JSP, gaar ahaan Xoghayaha Guud Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa door wayn ku leh koboca iyo awoodda xisbiga sida ay Inside Somalia u sheegeen xubnaha xisbiga oo ku amaanay hogaamintiisa oo xisbiga u soo jiiday sumcad iyo hormar gaara. Xildhibaan Odowaa ayaa dadka yaqaana ku tilmaameen in uu leeyahay hibo hogaamineed oo suuban, aragti dheer, iyo karti uu ku mideeyo siyaasiyiinta iyo bulshada.

Cabdiraxmaan Odowaa ka sokoow inuu yahay maskaxda iyo mishiinka dhaqaajiyay JSP, waxa uu dhiiragaliyay dhalinyarada Soomaaliyeed oo si xooggan ugu biiraya JSP, iyagoo u arkaya xisbi ka jawaabaya rabitaankooda shaqo-abuur, waxbarasho iyo ka qeybgal siyaasadeed. Taageeradan ayaa kor u qaaday sumcadda JSP, taasoo ka dhigtay xisbi bulsho ahaan u muuqda mid matala dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka.

JSP wuxuu noqday xisbi awood badan sababtoo ah wuxuu isku daray hoggaan tayo leh, siyaasiyiin khibrad leh oo ku soo biiray, dhalinyaro firfircoon, iyo nidaam siyaasadeed casri ah. Xisbiga wuxuu u muuqdaa mid matali kara mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, waxaana hubaal ah in hoggaanka suuban ee Cabdiraxmaan Odowaa uu yahay tiirka ugu weyn ee uu ku taagan yahay awoodda iyo sumcadda uu maanta leeyahay.

