Warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa sheegaysa in kiisaska kufsiga iyo tacaddiyada galmada ee la xiriira colaadaha ee la soo sheegay sanadkan 2024 ay korodheen 25% marka loo eego sanadkii ka horeeyay.
Afhayeenka QM Stephane Dujarric ayaa sheegay in tirada ugu badan ee kiisaska noocan ah laga soo sheegay dalalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Haiti, Soomaaliya, iyo Koonfurta Suudaan.
Wuxuu sheegay in 63 kooxood oo dowladeed iyo kuwo aan dowladeed ahayn lagu taxay lifaaqa warbixinta, kuwaas oo si la hubo loogu tuhunsan yahay inay ka masuul yihiin ama qayb ka yihiin kufsi iyo tacaddiyo galmo oo joogto ah oo ka dhacay goobaha colaadaha, kuwaas oo ku jira ajandaha Golaha Ammaanka.
Warbixintu waxay xustay in keliya gobolka Kivu ee Congo, shaqaalaha caafimaadka ay daweeyeen in ka badan 17,000 oo dhibbanayaal ah shan bilood oo keliya sanadkii hore, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Congo iyo fallaagada M23 ay xoogaysteen.
Warbixinta ayaa diiradda saartay dambiyo ay ka mid yihiin kufsi, kufsi wadareed iyo addoonsiga galmada.

