Friday, April 10, 2026
30.9 C
Mogadishu

Soomaaliya oo qaadatay go’aan ka caraysiiyay Israel.

Share

Wakiilka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa jeediyay khudbad hadalheyn xooggan dhalisay, kadib markii uu si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka Israel ee Qasa iyo Daanta Galbeed.

Diplomaasiga Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay gaajada ka jirta Qasa “mid si ula kac ah loo sameeyay”, isagoo caddeeyay in aanay ahayn masiibo dabiici ah, balse ay ka dhalatay xannibaadda iyo go’doominta nidaamsan ee Israel. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in gaajeynta dadka rayidka ah ay tahay “xasuuq iyo dembi dagaal oo sharciyada caalamiga ah si cad u mamnuucaan.”

Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah oo buuxda loo qaado xannibaadda Qasa, la furo dhammaan marinada gargaarka, lana joojiyo weerarrada lagu qaadayo dadka rayidka ah iyo kaabayaashooda nolosha sida isbitaallada, shirkadaha biyaha, iyo dugsiyada.

Waxa kale oo uu ku baaqay in la helo xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn, iyo in si dhaqso leh loo sii daayo dadka rayidka ah ee la haysto.

Hadalkan uu jeediyay wakiilka Soomaaliya ayaa si gaar ah u caraysiiyay Israel, maadaama uu ku tilmaamay ficillada ay ka waddo Qasa iyo Daanta Galbeed “xasuuq, ciqaab guud iyo xasuuq toos ah.”

Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin inay dhistaan dowlad madax-bannaan oo leh caasimad ku taalla Bariga Qudus, iyadoo ku saleysan qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Hindisaha Nabadgelyada Carabta.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to