Wednesday, July 15, 2026
25.2 C
Mogadishu

Soomaaliya oo wada hadal kula jirta shirkadaha shidaalka Maraykanka.

Share

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Eng. Cabdulqaadir Maxamuud iyo Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka ayaa magaalada Houston ee gobolka Texas kulan kula yeeshay Madaxda shirkadaha shidaalka iyo gaaska Mareykanka, intii lagu guda jiray shirweynaha caalamiga ah ee IMAGE Houston.

Shirkan oo ay si wadajir ah u qaban-qaabiyaan Society of Exploration Geophysicists (SEG) iyo American Association of Petroleum Geologists (AAPG), ayaa ah madal sannadle ah oo ay ku kulmaan shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee ku hawlan batroolka, tamarta iyo cilmiga dhulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa ka shaqeeya horumarinta teknoolojiyadda iyo maalgashiga tamarta ayaa lagu casuumay Soomaaliya.

Ka qeybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya dedaalka dowladda ee lagu doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga Mareykanka iyo caalamkaba, isla markaana lagu dhiirrigeliyo maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dhawaan ayay ehayd markii safiirka Soomaaliya ee dalka Maraykanka uu shirkadaha shidaalka dalkaas ku casuumay in ay ku soo laabtaan shidaalkii ay baarayeen deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to