Thursday, April 30, 2026
28 C
Mogadishu

Xildhibaanada Beesha Habargidir oo Shir Xasaasi Ah Ku Qabtay Muqdisho, Cadaalad Darro Ku Eedeeyay Saamiga Gobalka Banaadir

Share

Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay cadaalad darrada ay sheegeen in lagu hayo beesha, gaar ahaan doorkeedii siyaasadeed ee Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay ka qayb galeen xildhibaanno badan oo labada gole ah iyo qaar katirsan XFS ayaa diiradda lagu saaray tallaabadii xalay lagu qaaday xilka guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo Degmooyinka ka maqan Beesha. Xildhibaanadu waxay si kulul u dhaliileen hab-maamulka saami qaybsiga Gobalka Banaadir, iyagoo ku tilmaamay mid lagu tuntay xaqa beesha oo si cad la iskaga indha tiray xaquuqda Beeshu ku laheed Gobalka Banaadir.

shirka ayaa lagu isku raacay hadii degdeg aanan dib loogu soo celin xilalka iyo saamiga beesha ee Gobalka Banaadir, ay beesha qaadan doonto go’aano siyaasadeed oo adag. Mid ka mid ah go’aannadaas ayaa ah in beesha si buuxda u taageeri doonto mooshinka xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo ay hor kacayaan xildhibaano Beesha katirsan.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa Goaanka beesha inuu kala cadaado.

FG: Shirka waxaa ka qayb-galay madaxda sawirkooda halkaas ka muuqdo.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to