Tuesday, October 7, 2025
24.9 C
Mogadishu

Maxaa fududeeyay in ciidanka Jubbaland ka markale ka firxadaan duleedka Baladxaawo?

Share

Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe ayaa saakay ku dagaalamay duleedka Magaalada Balad xaawo gaar ahaan tuulada Amiin, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaalka oo ka dhacay tuulada Aamiin oo ku taalla duleedka Beled-Xaawo waxaa ku geeriyooday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ee daacad u ah Axmed Madoobe, kaas oo lagu magacaabo Xuseen Giif. Sarkaalka ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalka kula jiray ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Sarkaalka ayaa taliyaha booliska ee gobolka Gedo ka hor inta uusan ku biirin ciidanka ka amar qaata Axmed Madoobe.

Saraakiisha DFS oo guulo ka sheegtay dagaalka, waxa ay xaqiijiyeen inay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo inay burburiyeen difaacyo ay hore u haysteen. Tuulada uu dagaalka ka dhacay ayaa eheed saldhiga ugu wayn ciidanka Jubbaland,

Dhanka Jubbaland weli war rasmi ah kama soo bixin, sidoo kalena ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara tirada dhimashada.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa duleedka Beled-Xaawo ay ku dheceen dabin la xiriira talo-xumo ka timid saraakiisha Jubbaland ee gobolka Gedo, oo uu hoggaamiyo Maxamuud Sayid Aadan.

Ciidamada la weeraray ayaa hore looga saaray Beled-Xaawo, iyadoo Kenya ay diiday in ay xadka ku sugaan, halka Itoobiya iyo guddoomiyaha degmada Lafeey ay diideen in loo gudbiyo degmada Doolow.

Joogitaanka ciidamadan meel aan biyo iyo cunto toona lahayn ayaa loo arkaa qalad istaraatiiji ah oo weyn oo ay Jubbaland gashay sida ay aaminsan dhinacyada ka faalooda dhanka amaanka taas oo soo dadajisay fashilka ciidanka Jubbaland.

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira