Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay in nin u dhashay Faransiiska oo lagu magacaabo Yann Vezilier, islamarkaana ka shaqeynayay safaaradda Faransiiska ee Bamako, si sharci-darro ah loogu xiray Mali, iyadoo lagu eedeeyay qorshe afgambi.
Paris ayaa ku tilmaantay eedeynta mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna dalbatay sii-deyntiisa degdegga ah, iyadoo ku doodday in arrintan ay si cad ugu xadgudbeyso Heshiiska Vienna ee Xiriirka Dibloomaasiyiinta.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Mali, Jeneral Daoud Aly Mohammedine, ayaa ku andacooday in Vezilier uu u shaqeynayay sirdoonka Faransiiska, isla markaana uu abaabulayay siyaasiyiin, bulshada rayidka ah iyo saraakiil ciidan si loo carqaladeeyo xasiloonida dalka. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in baaritaan buuxa lagu wado arrintan tan iyo 1-dii Agoosto, isla markaana xaaladda ay “gacanta ku hayaan”.
Xiritaannada ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda militari ee Mali ay horey u kala dirtay xisbiyadii siyaasadeed bishii May, halka bishii Juun Madaxweyne Goïta loogu kordhiyay shan sano oo dheeraad ah oo xil hayn ah, inkasta oo balanqaad hore loo sameeyay oo ahaa in talada dalka lagu wareejin doono rayid bisha Maarso 2024.
Mali ayaa weli wajahaysa qalalaase amni oo ka soo bilowday 2012, taasoo salka ku haysa kooxo hubeysan oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish, iyo kooxo burcad hubeysan oo maxalli ah.

