Thursday, April 30, 2026
28 C
Mogadishu

Soomaaliya: Ciidanka Qalabka sida iyo shaqadooda.

Share

Dawladda Federaalka Somalia waxay leedahay ciidanka qalabka sida oo kala ah; ciidanka Millatariga, ciidanka Booliska, ciidanka Asluubta iyo ciidanka Sirdoonka.

Haddaba, Booliska waxay yimaadaan kadib dhacdada. Qarax dhacay ama dil dhacay ama dhac la gaystay kadib ayaa ay goobta yimaadaan oo dabagal iyo baaris ku sameeyaan. Sirdoonku se, waa kahor dhacdada. Miiska looga fekerayo qaraxa iyo dilka inay joogaan ayay shaqadooda tahay. Geerashka lagu samaynayo gaariga qaraxa ayay tahay inay joogaan. Kimikaliska uu qaraxa ka kooban yahay goobaha laga soo gado ayay tahay inay xaadiraan. Si kooban, shaqada Boolisku waa kadib, halka Sirdoonku yahay kahor.

Hagaag. Asluubta, iyagu waxay shaqadoodu tahay oo ay la macaamilaan ragga ay soo qabtaan Sirdoonka, kahor dhacdada iyo kadib markii ay ka dhammaystaan hawshooda, iyo ragga ay soo qabtaan Booliska, kadib dhacdada. Si kale, Asluubta, waxay maamulaan xabsiyada iyo maxaabiista.

Ammaa Millatariga, iyagu, waa duur iyo xuduud joog. Shaqadoodu waa duullaan iyo difaac. Waa burburinta cadawga iyo dhismaha muwaadinka. Waxaa isla socda nabadda magaalooyinka iyo qulqulka dhiigga ciidanka millatariga. Neefsasho kasta oo uu muwaadinku si nabad ah ugu jiidanayo badhtanka magaalada, ogow, in cagsigeeda uu jiro askari millatari ah oo gunta hawdka ku qaadanaya sikimadiisii iyo neefsashadiisii u dambaysay oo ay urta baaruudda ka soo kamkamayso.

Haddii uu galabta wiil si nabad ah ugu dhasho mid kamida xaafadaha Muqdisho, ogow, in uu jiro isla daqiiqadahaas wiil millatari ah oo geed hoostii ugu dhintay si uu wiilkaas nabad ugu dhasho. Haddii uu jiro in xalay qoys u soo biiray wiil, ogow, inuu jiro qoys kale oo ka baxay wiilkooda oo millatari ahaa. Sidaa awgeed, waa isku mid in saaka xero ciidan ay kooxda AS gasho iyo inay qarxiso isgoyska Soobe.

Haddaba, barbaarka iyo gashaantida galabta sida nabadda ugu casariyaynaya luuqyada Xamar iyo magaalooyinka kale, waxa ay ku timid sirdoon naftiisa halis u galiyay inuu xaadiro miiskii falalka amnidarrada lagu qorshaynayay, iyo boolis ka daba tagay falalkii amnidarra ee dhacay iyo asluub la macaamilayso raggii ay labadaa ciidan soo qabteen, iyo millatari yiri; saddexdaas ciidanow, idinku ku filnaada wixii shacab iska dhigay ee shaati caadi ah xirtay ee si dhuumasho leh falal ku gaysanaya, anigane ii daaya kuwa warkooda caddaystay ee toos u soo duullaan iyo ciidan iyo dirays tagay.

Waa been sheekada ay AS sheegto ee ah; shacabka lama dagaallamayno ee dawladdaan la diriraynaa. U sheega, in shacabkii annaga nahay, sidoo kalena, dawladdiina aan annaga nahay. U sheega, inay isku neefsasho qaadanayaan barbaarka ku dhimanaya furimaha dagaalka iyo midka ku cawaynaya luuqyada liido.

U sheega, inay daris yihiin qoyska sida nabadda leh ugu soo biiraya wiil, iyo midka wiilkooda furinta uga dhimanayo, oo ay tacsida iyo tahniyada isu dabbamarinayaan labadaas qoys. U sheega, inaan nahay hal oo ay iyaganuna yihiin cadow.

Photo: Loogada Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ay ka muuqato astaanta afarta ciidan ee kala ah; Millatariga oo ah ta u sarraysa, Booliska oo ah ta ugu bidixaysa, iyo Sirdoonka oo hoos jirta iyo Asluubta oo ah ta ugu midigaysa, iyo ugu dambayn, astaanta maxkadammada oo dhexda ku jirta, September, 2018, Page-ka Garsoorka.

W/Q: Awdacar

May be an image of text

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to