Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya, Larry André, ayaa ku boorriyey Washington in ay si taxadar leh uga fiirsato arrinta aqoonsiga Somaliland, isaga oo uga digay in go’aan kaligeed ah uu carqaladayn karo xasilloonida Geeska Afrika isla markaana dhaawici karo xiriirka Maraykanka ee gobolka.
André waxa uu sheegay in gobolka uu wajahayo khilaafaad badan oo gudaha iyo dawlad-dhexe ah, sidaas darteed go’aan degdeg ah oo ku saabsan xaaladda Somaliland uu noqonayo “halis ku ah xasilloonida gobolka iyo mustaqbalka Soomaaliya.” Waxa uu ku taliyey in Maraykanku aanu kali ku dhaqaaqin, balse uu ka tashado arrintan derisyada Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale Midowga Afrika, ka hor inta aan tallaabo la qaadin.
Danjiraha hore ayaa soo bandhigay laba dariiqo oo uu Maraykanku qaadi karo: in uu sii hayo xaaladda hadda jirta, ama in uu xafiis diblomaasiyadeed ka furo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isaga oo safaaradda ku sii haynaya Muqdisho. Waxa uu taageeray ikhtiyaarka labaad, isaga oo ku tilmaamay “dhex-dhexaad” oo u sahlaya Washington in ay dhiirrigeliso wadahadalka Hargeysa iyo Muqdisho isla markaana ay horumariso danaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka.
André waxa uu uga digay in aqoonsi kaligood ah oo ay Somaliland siiyaan ay ka careysiiso Soomaali badan oo taageersan midnimada, isla markaana ay kicin karto xiisado ku saleysan qabiil. Inkasta oo uu qiray in Somaliland leedahay xasillooni iyo nidaam maamul oo ka xoog badan inta badan Soomaaliya, haddana waxa uu ku adkaystay in taasi aysan beddeli karin baahida loo qabo xal waara oo wada-hadal lagu gaaro.
Waxa uu tusaale u soo qaatay Puntland, oo ah gobol kale oo Soomaaliya ka tirsan oo leh maamul-hoosaad u gaar ah, taas oo ku guulaysatay dhinaca ammaanka iyo horumarka iyada oo aan ka go’in nidaamka federaalka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in guusha mustaqbalka Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ay ku xirnaan doonto laba arrimood oo muhiim ah: in la heshiisiiyo Somaliland iyo in la jebiyo kooxda al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaran.
Wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa, oo marar kala duwan ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Jabuuti, ilaa hadda wax horumar ah kama soo bixin su’aasha ah in Somaliland sii ahaanayso qayb ka mid ah Soomaaliya mise ay doonayso inay hesho aqoonsi madaxbannaani.