Tuesday, October 7, 2025
24.9 C
Mogadishu

Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay hanjabaada dadka aragtida duwan iyo dhul boob.

Share

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sabtidii warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey in Wasiir Axmed Macalin Fiqi uu u soo dhiibay hanjabaaddii uu mucaaradka warbaahinta u mariyey ee ahayd “Yahuuud maa tihiin” taas oo ay hanjabaad dhab u qaadan doonaan.

“Wasiirka Difaaca Xasan Sheekh ayaa na handaday, waxaan u qaadaneynaa dhab. Waxaan aaminsanahay in Madaxweynuhu fariintaas u soo dhiibay. Nin aniga igu leh ‘Yahuud maa tihiin’ sidee doorasho ula gelaa?” ayuu Warsame is waydiiyay.

Waxa uu intaas ku daray in hadalka Fiqi aan la yareysan karin, maadaama uu maamulo ciidanka xoogga dalka iyo hubka qaranka. “Sidee doorasho ula geli karnaa rag sidan u dhaaranaya?” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri: “Haddii aan nahay mucaaradka, waxaan si dhab ah u qaadanay hadalkii Fiqi, waxaana aaminsanahay in Madaxweynuhu wax ka ogyahay, isla markaana go’aanka uu wasiirku nagu hanjabay uu ka soo baxay gole loo dhan yahay.”

Wuxuu sheegay in ilaa ay Madaxweynaha afkiisa ka maqlaan ama uu iska fogeeyo in wasiirkiisa uu hadalkaas ku matalayey ay aaminsanaan doonaan in arrintu sidaas tahay. “Waxaa ayaan darro ah in uu ku faano ficil foolxun oo madaxweyne isaga ka horreeyey geystay,” ayuu ku daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynuhu sameystay xisbi uu ugu yeeray “halkeen uga haraa?” kaas oo sida uu sheegay ay ku jiraan madaxdii dalka oo dhan iyo cid kasta oo dhul danta guud lagu siiyey.

“Madaxweynaha xisbigiisa lacagta uu ku tamashleynayo Xasan Sheekh ma isaga iska leh? Aniga iyo Xasan waxaan ahaan jirnay saaxiibo halkaan isla fadhiya, markaan wax qabsaneynana shan shan kun ayaan isu darsan jirnay. Yaa iska leh dhaqaalaha xisbigiisu ku tamashleynayo?” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey arrinta dhulka, isagoo sheegay in boobkii dhulka danta guud uu hadda u sii dheeraaday arrin la yiraahdo “ku darso.” “Markii dhulka dowladda lagaa xaraasho hadduu kugu yaraado, gobolka Banaadir ayaad warqad kasoo qaadataa oo lagu darayaa dhul sharcigiisu cad yahay, taas ayaan u bixinnay ‘ku darso’,” ayuu yiri.

“Askariga Soomaaliyeed 200 oo doolar ayuu qaataa, qoyskiisana waa danyar ku nool dhul dowladeed oo la barakiciyey, si loogu naaxiyo siyaasi, qaraabo, ganacsade iyo sarkaal dadka barakiciya. In yar oo Mukulaalaha Cayilan ah ayaa laga soo saaray dalka,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in boobka dhacay uu sababay in qiimaha dhulka Muqdisho uu hoos u dhaco. “Sababta oo ah qofkii dhulka la siiyey shan milyan ayuu ka faa’iiday. Maxaa dhacay marka? Tartankii ganacsiga gaarka loo lahaa ayaa dumay. Sidee ula tartami kartaa qof dowladdu gacanta u qabatay?” ayuu hadalkiisa ku soo xiray CC Shakuur.

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira