Wednesday, July 22, 2026
25 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo Ku Heshiiyay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal

Share

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa yeeshay wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dowladood.
Waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo oo la xoojiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed iyagoo adkeynaya metelaadda buuxda ee safaaradahooda ku kala yaalla caasimadaha labada dhinac. Intaas waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in safaaradahooda ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee ay wada shaqeynayaan si looga wada hadlo arrimaha danaha wadaagga ah.
Hoggaamiyeyaasha waxay mar kale xaqiijiyeen in xasilloonida gobolka ay ku xiran tahay iskaashiga xooggan ee labada dal oo ku saleysan kalsooni, ixtiraam iyo wada shaqeyn. Waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan isku-dubbaridka dadaallada lagu horumarinayo xiriirrada gobolka, iyagoo kor u qaadaya fahamka guud iyo horumarka wadaagga ah.
Wadahadalladu sidoo kale waxay xoogga saareen baahida loo qabo in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dal. Iyagoo hoosta ka xarriiqay khatarta daran ee sii kordheysa ee ka imanaysa kooxaha argagixisada ee gobolka, hoggaamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen in hay’adaha amniga ee labada dhinac loo xil saaro inay iska kaashadaan kor u qaadidda nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Intaa waxaa dheer, hoggaamiyeyaasha waxay muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgelinta ee u dhexeeya labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga loona gaaro horumar wadaag ah iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan.
Ugu dambeyntii, waxay dib u xaqiijiyeen ballanqaadkooda ku aaddan Heshiiskii Ankara iyo wadajirka walaaltinnimada iyo midnimada ee labada wadan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la dedejiyo wadahadalladii farsamo ee lagu qeexay heshiiska.
insidesomalia.net

Read More

Smiliar to