Taliska Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay fuliyeen labo duqeyn oo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab gudaha Soomaaliya 30-kii Agoosto, xilli maamulka Trump uu sii wado ololihiisa culus ee duqeymaha dalka ka socda.
War-saxaafadeedka koowaad, AFRICOM waxa ay sheegtay in ay duqeyn ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, qiyaastii 50 km dhanka Koonfur-Galbeed ee magaalada Muqdisho. War-saxaafadeedka labaad, talisku waxa uu ku sheegay in weerar kale lagu qaaday deegaanka Jubbaland, gaar ahaan 40 km waqooyi-bari magaalada dekedda ah ee Kismaayo.
AFRICOM faahfaahin kale ma bixin, marka laga reebo in la tilmaamay in bartilmaameedyada la duqeeyay ay ahaayeen Al-Shabaab, islamarkaana lala kaashaday dowladda Soomaaliya ee uu taageero Maraykanku. “Faahfaahinta unugyada iyo hubka la adeegsaday lama shaacinayo si loo ilaaliyo sirdoonka howlgalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Duqaymaha cusub ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay laga soo weriyey xadka u dhexeeya Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, meel ka durugsan goobihii AFRICOM sheegay. Warbixintu waxay xustay in weerarkaas lagu dilay tiro badan dagaalyahanno ah, balse ilaa hadda lama xaqiijin in AFRICOM ay iyadu qaaday.
Iyadoo la raacayo weerarrada hawada ee AFRICOM xaqiijisay, Maraykanku wuxuu sanadkan Soomaaliya ka fuliyay ugu yaraan 71 duqeyn, taas oo jebisay rikoorkii hore ee 63 duqeyn oo sanadkii 2019 ay qaaday xukuumadda Trump.
Marka laga soo tago dagaalka hawada ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Maraykanku waxa kale oo uu si xooggan u weerarayaa koox yar oo ISIS ah oo ku sugan gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo uu taageerayo ciidamada ammaanka maxalliga ah. Bishii Agoosto oo keliya, Maraykanku waxa uu qaaday sagaal duqeyn oo xiriir ah muddo laba toddobaad ah oo ka dhan ah ISIS, meel buuraley ah oo fog.

