Safiirka Suudaan ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khalil Axmed Abakr, oo waraysi bixinaayay ayaa ka digay faragelinta shisheeye ee colaadda ka socota Suudaan, sigaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo ciidanka laga daabulo Bosaso.
Safiirka ayaa si toos ah ugu eedeeyay Imaaraadka Carabta (UAE) in ay taageero ciidan iyo dhaqaale siiyaan ciidamada RSF, isagoo sheegay in Imaaraadku uu ku lug leeyahay qorista dagaalyahanno ajnabi ah, gaar ahaan Kolombiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Wuxuu sheegay in ciidamada Suudaan ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanno wata baasaboorro leh fiisooyin Imaaraad ah, sidoo kale ay la wareegeen taleefanno iyo dukumiintiyo kale. Qaarkood waxaa lagu dilay dagaalka magaalada El-Fasher, halka kuwo kale lagu qabtay maxaabiis ahaan. Wuxuu intaas ku daray in muuqaal la helay uu muujinayo dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo afka-Boortaqiiska ku hadlaya oo si toos ah uga qeybgalaya dagaalka.
Safiir Abakr wuxuu si gaar ah u xusay Boosaaso, Puntland, oo uu ku tilmaamay xarun muhiim ah oo hubka sharci darrada ah looga dhoofiyo Suudaan, isagoo sheegay in hubkaasi uu gacanta u galo shabakado fallaagada ku xiran oo ka hawlgala magaalada dekedda ah, kadibna loo gudbiyo gobollada Darfur iyo meelo kale.
“Suudaan waxay muddo dheer taageertay ardayda Soomaaliyeed oo la siiyay deeqo waxbarasho, kuwaas oo badankood u shaqeeya dowladda, Laakiin maanta waxaa jira xoogag doonaya in uu sun noqdo xiriirka Suudaan iyo Soomaaliya, iyagoo Boosaaso u adeegsanaya marin hub lagu geliyo mashruuca ciidan-qorista ee khatarta ku ah madax-bannaanida Suudaan,” ayuu yiri Abakr.
Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in faragelinta noocan ahi ay khatar ku tahay oo keliya Suudaan, balse ay sidoo kale khatar weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geedka Afrika. Wuxuu ugu baaqay Soomaaliya iyo beesha caalamka in tallaabo laga qaado qorista dagaalyahannada iyo hubka xuduudaha laga soo geliyo.
Safiirka oo sheegay in uu horaantii sanadkaan yimid Muqdisho waxa uu sheegay in uu dareemayo ku noolaashaha magaalo ka mid ah Suudaan.

