Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Suudaan: RSF oo duqayn ku dishay dad rayid.

Share

Toddoba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 71 kalena waa ku dhaawacmeen duqeyn madaafiic ah oo ay geysteen ciidamada milatariga ka goostay ee RSF, taasoo ka dhacday magaalada El-Fasher, caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee galbeedka Suudaan, sida ay sheegeen dhaqaatiir maxalli ah Axaddii.

Bayaan kasoo baxay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu cambaareeyay dilalka dadka rayidka ah, waxaana lagu tilmaamay “xasuuq”, iyagoo ka digay in xaaladda magaalada ay isu beddeshay “genocide dhammeystiran oo ay ku jiraan duqeyn, go’doomin iyo gaajaysiin nidaamsan oo dadka lagu hayo.”

Shabakadda ayaa RSF ku eedeysay mas’uuliyadda weerarka, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gudaha in ay qaadaan “tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah si loo joojiyo duqeynta loona furo waddooyin bani’aadannimo oo ammaan ah.”

Khamiistii, isla ururka caafimaadku wuxuu sheegay in 24 qof lagu dilay, 55 kalena lagu dhaawacay madaafiic ay RSF ku garaacday suuq iyo xaafadda Awlad al-Rif ee magaalada El-Fasher.

Guddiyo iyo maamulka deegaanka ayaa marar badan RSF ku eedeeyay duqeymaha iyo weerarrada joogtada ah ee magaalada, taasoo go’doon ku jirtay tan iyo 10-kii May 2024, inkastoo ay jireen digniino caalami ah oo ku saabsan khatarta dagaalka ka socda magaalada oo ah xarunta hawlgallada gargaarka bani’aadannimo ee shanta gobol ee Darfur.

Dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo RSF oo billowday bishii Abriil 2023 ayaa sababay in in ka badan 20,000 qof la dilo, 14 milyan kalena la barakiciyo, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris ay sameeyeen jaamacado Maraykan ah ayaa qiyaasaysa dhimashada illaa 130,000 qof.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to