Saturday, April 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Villa Somalia oo sharaxday hormar laga gaaray daqliga gudaha iyo wadamada maalgashiga ku sameeyay Soomaaliya.

Share

Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Aadan Hoosow, ayaa sheegay in Turkigu yahay waddanka hormuudka ka ah maalgashiga tooska ah ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay Soomaaliya u arkaan dal leh awood horumar dhaqaale oo waaweyn, ee aan kaliya loo aqoonsan waddan kasoo kabanaya dagaal sokeeye.

Hoosow oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu Agency (AA) ayaa tilmaamay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si joogto ah u korayay tan iyo 2012, xilliga dib u soo kabashada, iyadoo sannadihii u dambeeyay la diiwaangeliyay celcelis koboc dhaqaale oo dhan 4%.

Waxa uu xusay guulo muhiim ah oo la gaaray saddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), koboca xooggan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo adeegyadii bulshadu ku tiirsanayd oo noqday laf-dhabarta koboca dhaqaalaha.

“Waxaan horumar ka sameynay meelaha muhiimka ah,” ayuu yiri Hoosow, isaga oo sharaxay in Dowladda Federaalka ay diyaarisay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) oo hagaya horumarka shanta sano ee soo socota, iyo sidoo kale Aragtida Qarniga 2060 (Century Vision 2060) oo loogu talagalay in lagu jihaysto kobaca dhaqaale fog marka Soomaaliya u dabaaldegayso 100-guuradii xorriyaddeeda.

Hoosow ayaa caddeeyay in aragtida 2060 lagu higsanayo in Soomaaliya noqoto dal barwaaqo, nabdoon, horumaray, isla markaana muwaadiniintiisu gaaraan celcelis dakhli sanadle ah oo u dhaxeeya $6,000–$7,000, taas oo Soomaaliya gelinaysa safka dalalka dakhliga dhexe sare.

Sannadihii u dambeeyay ayaa dakhliga dowladda kor u kac weyn sameeyay, iyadoo la diiwaangeliyay in dakhliga gudaha uu kordhay ku dhawaad 88% tan iyo 2022.

Hoosow waxa uu si gaar ah u bogaadiyay taageerada caalamiga ah, isagoo sheegay:

“Turkigu waxa uu noqday waddanka hormuudka ka ah maalgashiga iyo taageerada miisaaniyadda Soomaaliya. Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada waddamadaas.”

Waxaa kale oo uu xusay in dadaallada dowladda Soomaaliya ay suurto geliyeen in la dhimo daynta caalamiga ah ee muddada dheer saarnayd dalka, iyadoo 2023 Soomaaliya laga cafiyay dayn ballaaran.

Somalia's Presidential Economic Advisor Hassan Adam Hosow speaking during an interview with the media in Mogadishu, Somalia, September 3, 2025. (AA Photo)

Saamiga daynta marka loo eego wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP) ayaa hoos uga dhacay 64% ilaa 6%.

“Maanta Soomaaliya waxay leedahay kaliya qiyaastii 6% oo dayn ah, taas oo la maareyn karo. Waxaan si dhab ah u oran karnaa: Soomaaliya dhibaato dayn ma qabto,” ayuu yiri.

Isagoo sharaxaya saameynta daynta ayuu hadalkiisa raaciyay: “Dalalka ku jira dayn culus ma kobci karaan. Dayntu waxay hor istaagtaa koboca dhaqaale, waayo waxa la bixiya waa daynta halkii laga maalgelin lahaa caafimaadka, waxbarashada ama barnaamijyada bulshada.”

Haddii la hirgeliyo dib-u-habeynta harsan ee ku cad Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida Qarniga 2060, ayuu sheegay in Soomaaliya ay yeelan karto dhaqaale xor ah oo dayn-la’aan ah, taas oo siinaysa fursad dahabi ah koboc dhaqaale mustaqbalka fog.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to