Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ku amray Booliska Soomaaliyeed in ay dadka ka saaraan dhulalka danta-guud ee caasimadda, gaar ahaan goobaha waxbarashada ee si gaar ah loo degay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhulkaasi lagama maarmaan u yahay mustaqbalka jiilka cusub, si loo helo goobo waxbarasho oo tayo leh, isaga oo tilmaamay in danta guud mar walba mudnaanta la siiyo.
“Waxaan farayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in dugsiyada magaalada Muqdisho laga faarujiyo dadka ku degay. Danta guud waa in la ilaaliyaa si jiilka soo koraya ay u helaan waxbarasho iyo goob u qalanta,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ardeyda Soomaaliyeed ee galay sanad dugsiyeedka cusub 2025/2026, isagoo bogaadiyey tirada badan ee ardeyda dugsiyada sare ka qalin-jebisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay arrimaha jaamacadaha dalka, isagoo xusay inay jiraan jaamacado aan tayo lahayn oo lacago ka aruursada ardeyda. Wuxuu faray Guddiga Tacliinta Sare inay si dhow ula socdaan arrintan, tallaabo cadna ka qaadaan jaamacadaha aan buuxin shuruudaha aqooneed.
“Waxaan rabnaa muwaadin wax bartay oo shahaadadiisu la jaanqaadaysa aqoontiisa. Jaamacad aan soo saarayn aqoon, balse dadka lacagta ka gurata, ma yeelayno,” ayuu yiri Madaxweynaha
Dowladda ayaa dhul badan oo dad rayid ah daganaayeen ka saartay kana iibisay ganacsato taas oo keentay in cambaaray ka imaanaysa bulshada iyo waxa ay mucaaradku ugu yeereen xaraash dhulka dowlada iyo u turid la’aanta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.

