Tuesday, July 28, 2026
26.4 C
Mogadishu

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho oo diiday hadalkii Senotor Ted Cruz.

Share

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa cambaaraysay dadaalka Senator-ka Mareykanka Ted Cruz uu ku doonayo in Washington ay aqoonsato Somaliland, iyadoo ku tilmaantay faragelin “sal iyo raad toona lahayn” oo “gardarro ah” oo lagu hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Safaaraddu waxay sheegtay in baaqa Cruz, oo ku xusnaa warqad uu 14-kii August u diray Madaxweyne Donald Trump uu ku xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay (United Nations Charter), ayna ka tarjumayso “dabeecad is-ballaarin iyo cagajugleyn ah” oo siyaasiyiinta qaar ee Mareykanka ay kula dhaqmayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shiinuhu marna ma farageliyo arrimaha gudaha ee dalalka kale, sinaba uma aqbalo in midkiisa la farageliyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu dib u adkeeyay mawqifka Beijing ee ah in “Taiwan ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha,” isagoo wacad ku maray inuu ka horyimaado “gooni-goosadnimada iyo faragelinta dibadda” uuna difaaco madaxbannaanida qarankiisa.

Diblomaasiyadda Shiinaha ayaa xiriirisay dadaalka Mareykanka ee aqoonsiga Somaliland iyo siyaasadda Washington ee ku aaddan Taiwan, iyadoo labadaba ku tilmaantay isku dayo lagu wiiqayo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to