Guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiillada maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaas. Liiska waxaa ku jira 83 xildhibaan, oo 4 kamid ah yihiin dumar halka 79 ay yihiin rag.
Xildhibaannada ayaa loogu kala qaybsaday sidaan:
Sanaag: 37 xildhibaan
Sool: 30 xildhibaan
Togdheer: 16 xildhibaan
Xildhibaannada cusub ayaa la filayaa inay kulankooda ugu horreeya kusoo doortaan hoggaan ku-meel-gaar ah, inta laga gaarayo doorashada rasmi ah ee guddoonka baarlamaanka.
Soo dhaweynta xildhibaannada ayaa durbadiiba si weyn looga dareemay baraha bulshada, halka hawlaha kale ee maamulka la filayo inay si rasmi ah u bilaabmaan maalmaha soo socda. Waxaana ugu horreeya doorashada guud ee ka dhici doonta magaalada Laascaanood, taas oo uu qeyb ka yahay madaxweynaha hadda xilka haya, Cabdulqaadir Firdhiye.
Abuuritaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa yimid kadib dagaal culus oo sanadkii 2023 ka dhacay Laascaanood, kaas oo salka ku hayay bannaanbaxyo ka dhashay dilal qorsheysan. Dagaalkaasi wuxuu horseeday kacdoon hubeysan oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.



Ujeeddada maamulka cusub ayaa ah in la helo maamul rasmi ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana metela dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, isagoo caqabad siyaasadeed iyo amni ku noqonaya sheegashada Somaliland iyo Puntland.

