Dowladda Kenya ayaa heshiis lacageed la gashay shirkadda lobbiga ee Continental Strategy LLC, taas oo fadhigeedu yahay Mareykanka, si ay ugu qabato adeegyo xiriir siyaasadeed iyo wacyigelin diblomaasiyadeed ka hor booqashada Madaxweynaha Kenya, William Ruto, uu ku tegayo Washington, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Heshiiska oo taariikhdiisu tahay 6-dii Agoosto 2025, ayaa lagu diiwaangeliyey Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka (DOJ) hoostaga FARA. Shirkaddu waxay Kenya ka taageeri doontaa lobbiga heer federaal, faafinta xogaha istiraatiijiga ah iyo kulamada siyaasiyiinta muhiimka ah ee Mareykanka.
Qandaraaska ayaa dhigaya in shirkaddu ku qaadato $175,000 bishii (qiyaastii KSh 22 milyan), iyadoo lagu darayo kharashyo safar, huteel, tigidh diyaaradeed, cunto iyo adeegyo kale. Heshiisku waxa kale oo uu leeyahay qodob si toos ah dib ugu cusboonaysiinaya haddii aan midkood dhinac ogeysiin kansal 30 maalmood ka hor dhammaadka sannadka koowaad.
Dr. Korir Sing’oei, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa loo magacaabay xiriiriyaha rasmiga ah ee Kenya.
Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa ka hor ka qeybgalka Madaxweyne Ruto ee kal-fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee New York, ka hor inta uusan u gudbin Washington D.C. si uu kulan rasmi ah ula yeesho Madaxweyne Trump.
Tani waa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Ruto uu ku tago Mareykanka xilligii maamulka Trump, waxaana la filayaa in ay yeelato saameyn istiraatiiji ah oo cusub oo ku saabsan xiriirka ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Washington.
Falanqeeyayaal ayaa tilmaamay in safarku yimaado xilli xasaasi ah, kadib markii Madaxweyne Ruto uu bishii Abriil 2025 booqday Shiinaha, halkaas oo hadalladiisii loo fasiray inay muujinayaan u janjeeridda Nairobi ee dhinaca Beijing. Kulanka la filayo ee uu la yeesho Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu dib u adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Kenya iyo reer Galbeedka.