Dowladda Belgium ayaa shaacisay in ay aqoonsan doonto Dowladda Falastiin inta lagu guda jiro kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee dhici doona dabayaaqada bishan, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, Maxime Prevot.
“Falastiin waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan doonaa Belgium kulanka UN-ka! Sidoo kale, waxaa lagu soo rogi doonaa cunaqabateyn adag oo ka dhan ah dowladda Israa’iil,” ayuu Prevot ku qoray bartiisa X. Wuxuu sheegay in Israa’iil lagu soo rogi doono ilaa 12 tallaabo oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin mamnuucidda badeecadaha kasoo baxa gumeysiga sharci darrada ah ee Daanta Galbeed iyo dib u eegista heshiisyada qandaraasyada dowladda ee lala galo shirkadaha Israa’iil.
Prevot, oo ka tirsan xisbiga dhexe ee Christian Democrat-ka, ayaa ku sababeeyay go’aankan xaaladda bani’aadannimo ee sii xumaanaysa ee Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza. Sida xogta bishii Abriil muujisay, 147 dal oo u dhiganta 75% xubnaha Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, Belgium waxay sheegtay in aqoonsiga si rasmi ah loo hirgelin doono marka la sii daayo maxaabiista ugu dambeysa ee Gaza isla markaana Hamas aanay kaalin ku lahayn maamulka Falastiin.
Ra’iisul Wasaaraha Belgium, Bart De Wever, ayaa bishii hore sheegay in aqoonsiga lagu xiro shuruudo adag. Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa horaantii Luulyo ku dhawaaqay in dalkiisu aqoonsan doono Falastiin inta lagu jiro kulanka UNGA ee New York. Faransiiska iyo Sucuudiga ayaa si wadajir ah u qaban doona shir caalami ah oo ku saabsan aqoonsiga Falastiin 22-ka Sebtembar. Dalal kale oo ay kamid yihiin Australia, Canada iyo Boqortooyada Midowday ayaa iyaguna shaaciyay inay qorsheynayaan inay bishan aqoonsadaan Falastiin, balse iyaga oo xaddidaya shuruudo gaar ah.
Mareykanka iyo Israa’iil ayaa si kulul u dhaliilay dalalka go’aankan qaaday. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku tilmaamay go’aanka Faransiiska “mid khatar ah” oo “kaliya u adeegaya dacaayadda Hamas.” Wuxuu intaas ku daray in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka hor kulanka UNGA ka joojin doono fiisooyinka mas’uuliyiinta Falastiin.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Israa’iil ee xagjirka ah, Bezalel Smotrich, ayaa horey u hanjabay in gumeysi sharci darro ah oo cusub laga dhisi doono Daanta Galbeed “dal kasta oo aqoonsada Falastiin”. Smotrich waa mid ka mid ah laba wasiir oo Israa’iili ah oo cunaqabateyn ka dhan ah ay saareen dalal ay kamid yihiin Australia, Canada, New Zealand, Norway iyo Boqortooyada Midowday.
Francesca Albanese, qoraaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha dhulka Falastiin la haysto, ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyadoo ku talisay in la soo rogo cunaqabateyn iyo xayiraad hub si loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

