Saturday, April 18, 2026
28.1 C
Mogadishu

Daraasad caalami ah oo ka digaysa khatar cusub oo ku soo wajahan Soomaaliya.

Share

Dagaalka muddada dheer ee Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab ayaa galay waji cusub, kadib markii dagaalyahanno jihaadiyiin ajaanib ah ay dalka ku soo qulqulayaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shirkadda la-talinta amniga ee Aries Intelligence.

Warbixintu waxay iftiimisay in Al-Shabaab ay xiriir xooggan la yeesheen fallaagada Xuutiyiinta Yemen, taas oo horseeday in hub casri ah iyo tababaro militari lagu soo geliyo Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa hore u xaqiijisay in Xuutiyiintu ay u soo direen hub ay ka mid yihiin qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyagoo beddel ahaan ka helaya taageero dhanka badda ah.

Baaritaanno ayaa muujiyay in hubka qaar laga soo dhex helay keydadka Iran, taasoo caddeyn u ah doorka dadban ee Tehran. Sidoo kale, dagaalyahanno Al-Shabaab ah ayaa tababaro gaar ah ku qaatay dekedaha ay Xuutiyiintu maamulaan, halkaas oo la baray isticmaalka drones iyo xeeladaha dagaalka casriga ah.

Khataraha cusub ayaa durba muuqda. Puntland ayaa sanadkan gacanta ku dhigtay diyaarado is-miidaamin ah oo loo waday Al-Shabaab, kuwaas oo lala xiriiriyay shabakadda Xuutiyiinta. Sidoo kale, xogaha sirdoonku waxay muujinayaan in Al-Shabaab iyo Xuutiyiintu wadaagaan xog sirdoon iyo bartilmaameedyo dhanka Badda Cas, halkaas oo weerarro isdaba-joog ah lagu qaaday maraakiib ganacsi.

Aries Intelligence ayaa arrintan ku tilmaantay “soo bixitaanka qandaraaslayaasha jihaadiyiinta” dagaalyahanno madax-bannaan oo khibrad dagaal ku soo yeeshay Suuriya iyo Yemen, kuwaas oo adeegyo tababar iyo xeelado cusub ku bixinaya kooxaha xagjirka ah ee Afrika.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in Soomaaliya oo durba wajahaysa xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqaale ay u qalab la’dahay halista cusub. Waxay sheegeen in dalka uu khatar ugu jiro inuu noqdo goob lagu tijaabiyo jiilka cusub ee dagaalka mintidiinta – xeelado isku dhafaya hub casri ah, drones, iyo weerarro badeed.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to