Imaaraadka ayaa sii wada dhibaataynta reer Suudaan.
Imaaraadka Carabta ayaa mamnuucay diyaaradaha Suudaan ka imaanaya inay ku degaan garoomadiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Suudaan oo soo xiganeysa Hay’adda Duulista Rayidka ee dalkaas, tallaabo muujineysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal.
Sidoo kale, diyaarad Suudaan laga leeyahay ayaa laga hor istaagay inay ka duusho garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi, sida lagu sheegay bayaanka hay’addu.
Hay’adda duulista Suudaan waxay muujisay la yaab iyo fajac ku saabsan go’aanka, waxayna sheegtay inay la socoto shirkadaha diyaaradaha si dib loogu habeeyo safarrada rakaabka ku wajahan ama ka imanaya Imaaraadka.
Maamulka Abu Dhabi wali kama aysan hadlin bayaanka Suudaan.
Suudaan ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka bishii May, iyadoo ku eedeysay inay taageerayso ciidanka mucaaradka ah ee RSF (Rapid Support Forces), isla markaana u diraysay hub casri ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkaas bishii Abriil 2023.
Imaaraadka ayaa si isdaba joog ah u beeniyay eedeymahaas.

