Saturday, April 18, 2026
28.1 C
Mogadishu

Khataraha ku wajahan Soomaalida geeska Africa iyo sida ay u yihiin war moog!

Share

Haddii ummaddu isku jeesato oo dhexdeeda isku mashquusho, waxaa jira cadaw ka faa’iidaysanaya fursaddaas. Kadib burburkii dawlad dhexe ee Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeed ayaa isku jeestay oo dhexdeeda isku mashquushay. Cadawgii wuu ka faa’iidaystay fursaddaas mar walbana ayuu sidaas sameeyaa.

Waxaa jiray weeraro badan oo lagu soo qaaday ummadda Soomaaliyeed, sida Kenya oo qaybo ka mid ah badda Soomaaliya ku dooday, iyo Itoobiya oo damac foolxun ka haysata badda Soomaaliya, ahna cadawga ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed, kuna hamiyay dhulkeena, kana xoog badan.

May be an image of ‎map and ‎text that says '‎Afar, Ethiopia AddisAbaba Addis Ababa Ethiopia አዲስአበባ አዲስ አበባ Dire Dawa ድሬዳዋ Djibouti Erit GulfofAden of Aden Gulf .Sanaa Sanaa صنعاء Abh بها Google Maps Vemen‎'‎‎

Khatartan aan maanta kula wadaagayo waa khatarta ugu weyn ee inagu soo socota.

Waqtigan aynu joogno, Oromadu waxay haysataa xukunka Itoobiya, oo ah dawlad awood leh oo Xabashidu 100 sano dhistay, iyada oo caawisay Ruush iyo reer galbeed oo ah wadamo sokeeye ama walaal u ah Xabashida, maadaama ay wadaagaan diinta Kirishtanka.

Kacdoonkii Oromada oo ay si fudud ku qabsadeen xukunka Itoobiya, wax walba way isbadaleen. Xabashidu waxay ahaan jirtay cadaw noo cad oo aan na soo dhex geli karin, dagaal toosa inagula jiray, laakiin markii Oromadu qabsatay xukunka Itoobiya, iyadoo xambaarsan fikirkii Xabashida, waxaa bilaabmay dagaal ka duwan kii hore.

May be an image of map and text that says 'Oromia,Ethiopia Oromia, Ethiopia Kenya X XIt th Addis:Ababa Addis Ababa Ethiopia አዲስ EthiopiaMnn አበባ DireDawa Dire Dawa ድሬዳዋ Djibouti'

Oromadu waxay bilowday inay ka faa’iidaysato Soomaalida kala daadsan ee loolanka dhexdooda ku mashquulsan. Waxay dhulkooga ku darsadeen deegaano Soomaali Galbeed ka mid ah, qaab aad u xariifsan. Deegaanada xuduudda Soomaalida iyo Oromada u dhexeeya, ma jiraan mashaariic badan oo loo fuliyo Soomaalida halka Oromada laga fuliyo mashaariic fara badan. Taasina waxay keentay in Soomaalida xuduuda dagan ay u baahdaan Oromada la jaarka ah.

Nin baahani xor maaha, waxaana bilaabmay in baahidaas laga faa’iidaysto, Oromaduna ay ku yidhaahdaan “Anaga nagu soo biira oo deegaankaaga nagu soo biir.” Arrintani dhowaan ayay soo badanaysay.

Tusaale ahaan, qabiilka Jaarso oo lafahoodu Soomaali yihiin ayaa bilaabay inay Oromada ku biiraan oo ay ka baxaan Soomaalinimadii.

Maalmahan, markii la sameeyey degmooyin iyo gobollo cusub, deegaanadii aan loo magacaabin ee cabashada qabay ayaa bilaabay fariimo oranaya in Oromada la isku biiro.

Haddii xaaladu sidaas ku socoto, xuduudda Oromadu waxay gaadhi doontaa xuduud beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya, weliba gobolka faafan sida uu u dhamaystirmayo ayaa ku darsan doonta.

Hadda xuduudda Oromadu waxay soo gaadhsiisay magaalada Laafaciise oo waxyar u jirta gobolka Awdal, dhinaca kale waxay wadaan qorshe ay kula wareegayaan si dhamaystiran magaalada Diri Dhaba oo arrintaasi cidna kama qarsoona.

Gobolka Sitti, labada dhinacba waxaa ka socda weerar Oromada iyo Canfarta, mustaqbalka dhowna waxay u socotaa in dhamaantood lala wareego.

Marka uu meesha ka baxo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa la doonayaa in Canfarta oo ay Oromadu dabada ka wado ay xilka Djibouti la wareegaan.

Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil, Oromadu aad ayay ugu soo badanayaan waxayna si cad u yidhaahdaan “Anaga ayaa leh.”

Markay xaaladu halkaas marayso, maxaa sugaynaa, Soomaaliyeey? Hore ayaa dhul la inooga qaatay.

La soco magaalada Harar iyo deegaanka ay ku taallo ee Hararge oo ay Soomaalidu leedahay oo weligeed ka daganayd. Dadka degan gobollada Hararge, Bale, Guji, iyo Borana waa dhul Soomaaliyeed, dadkaasina waa Soomaali.

May be an image of map and text that says 'Somali, Ethiopia แแมบเน uganda ·Mombasa Nairobi·Eldoret o Nairobi Eldoret Kenya Somalia Ethiopia Dire Dawa ደሬዳዋ Djibouti S Gulf GulfofAden of Aden Yemen Google GoogleMaps Maps'

Qowmiyado kale oo milmay sida Harla, Dawaro iyo qowmiyado kale iyo Oromada oo qarnigii 16aad kusoo duushay dhulka, waxaa la ogaaday in qarnigaas Oromadu aysan ahayn dad cawaaan ah oo aan ka adkaan karin.

Markii aynnu Diinta Islaamka gaadhsiinay, sidii ay ku istaagtay weerarkoodii, maanta waxay wataan aragti cusub, dad abaabulan oo dawlad awood lehna faraha ku haya.

Maanta Oromada waxaa u taliya nin diinta Islaamka ka baxay, oo garanaya sida Islaamka loogu hoos dhuunto.

Ogaada in Xabashidii Ortodokska ahayd ee aynnu dagaalami jirnay ay maanta xarbiyayaan, waxaana xukunka prostent-ka la wareegay.

Nimanka imika caalamka ugu awooda badan waa Prostent, iyaga ayaa dabada ka wada oo taageeraya, waa kuwa Yuhuuda taageera.

Soomaaliyeey, hadafku waa in Badda Cas laga dhigo meel faraha lagu dhigo si halkaas looga ilaaliyo Yuhuuda.

Markaad ka timaadid in dhul Soomaaliyeed la qaadanayo, waxaa sidoo kale Qatar ku tahay ummadda Islaamka oo dhan.

Soomaali waxay ahayd ummadda Geeska Afrika ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya Islaamka ka difaacda.

Maanta halkaas aynnu marayno, goormaynu toosi?

Xukunka ha laga heshiiyo, hurdada ha laga kaco, Soomaaliyeey.

W/Q :Khaalid Axmed, oo faalooda arrimaha geeska Africa.

insidesomalia.net

Read More

Smiliar to