Guddiga Fulinta ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay wareegga labaad ee maalgelin loogu talagalay Soomaaliya, kaas oo gaaraya $125 milyan, si loo taageero siyaasadaha horumarinta dalka. Maalgelintan waxaa bixiya Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah (IDA).
Warbixin uu soo saaray “Larolav” ayaa lagu sheegay in qorshahan cusub uu yahay wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda iyo horumarinta waara ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wareeggii hore ee maalgelinta oo isna ahaa $125 milyan ayaa la ansixiyay sanadkii 2024. Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga, ayaa tilmaamay in maalgelintan cusub ay ka tarjumayso sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay fulinta dib-u-habayn muhiim ah ee hay’adeed, kuwaas oo lagu dhisayo dowlad deggan lana xoojinayo heshiiska bulshada.
Maalgelintan waxaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xoojiyo xasilloonida maaliyadeed ee dowladda iyadoo la kordhinayo dakhliga canshuuraha, lana hagaajinayo hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka dowladda, isla markaana la dhimayo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.
Qodobada muhiimka ah ee lagu hormarinayo waxaa ka mid ah maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo si loo ballaariyo adeegga korontada, iyadoo la hiigsanayo in la gaaro awood koronto oo dhan 50 megawatt dhammaadka sanadka 2026.
Dhanka horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, barnaamijku wuxuu diiradda saari doonaa kobcinta maalgelinta yaryar (microfinance), abuurista nidaam caymiska khatarta abaaraha, iyo dhiirrigelinta maalgashiga qaybta kalluumaysiga si loo kordhiyo dhoofinta badeecadaha badda.
Dadaalladan oo dhan waxay qeyb ka yihiin iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya oo ku saleysan qorshe soconaya intii u dhexeysay 2024 ilaa 2028, laguna fulinayo wada-shaqeyn lala leeyahay hay’adaha horumarinta caalamiga ah.