Kolonyo ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa lagu qaaday weerar miinada meelaha fog laga hago xilli ay mareeyeen degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen ilo amni gudaha ah.
Qaraxa ayaa beegsaday gaadiid ay la socdeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigtay rasaas xooggan oo socotay daqiiqado badan, taasoo cabsi iyo jahwareer ku abuurtay dadka deegaanka.
Goobjoogayaal ku sugnaa aagga ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay si degdeg ah u xireen waddada qaraxu ka dhacay, iyagoo joojiyay isu socodkii gaadiidka iyo dadka, islamarkaana muddo saacado ah ka hortagay dhaqdhaqaaqyada shacabka, ka hor intii aanay goobta isaga bixin.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna ku andacoodeen in ay dileen saddex askari Itoobiyaan ah, afar kalena dhaawaceen, iyadoo sidoo kale gubay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen. Si kastaba ha ahaatee, warkaasi si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah.
Weerarkan ayaa muujinaya khatarta weli ka jirta gobolka iyo caqabadda ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya kala kulmaan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo todobaadyadii iyo bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarrada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa qaranka, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.