Tuesday, October 7, 2025
24.8 C
Mogadishu

Mareykanka oo Duqeymo Culus ka Fuliyay Saldhigyada ISIS ee Buuraleyda Bari.

Share

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay bartilmaameedyo ay kooxda ISIS ku leedahay dooxada Baallade, halkaas oo ciidanka Puntland ay ku adkaatay in ay ka saaraan dagaalyahannada kooxdaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Duqeymaha oo socday saacado badan ayaa lagu beegsaday goobaha muhiimka ah ee deegaanka Maraagade oo ka mid ah qalcadaha ugu waaweyn ee ISIS ku xoogan tahay waxaana jugta qaraxyada laga maqlay meelaha ku dhow magaalada Boosaaso, oo ah magaalo deked weyn ah oo ku taalla gobolka Bari.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay sidoo kale duqeeyeen meelo lagu tuhunsanaa in ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahanada ISIS, gaar ahaan deegaanka Biyo Kulule, kaddib markii saraakiisha milatariga Puntland soo sheegeen dhaqdhaqaaqyo kooxdu halkaas ka samaysay.

Ciidanka Puntland ayaa maalmahaan baacsanayay kooxda oo isku jirta Soomaali iyo Ajaanib jihaad doon ah oo mudo ku dhuumaalaysanaayay dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay wajaheen qasaare xooggan.

Ciidamada Puntland oo khasaare soo gaaray dagaalkii Jimcihii ka dhacay Maraagade, ayaan weli qaadin weeraro cusub, iyadoo hay’adaha amniga ay qorsheynayaan sida loo nadiifin lahaa godadka iyo buuraleyda ay kooxdaasi ku dhuumaneyso. Mas’uuliyiin ayaa sheegay in dib u dhaca howlgalada uu ku saleysan yahay rabitaanka in laga fogaado khasaare kale oo dheeraad ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidamada ay difaacyadooda sii joogaan ilaa duqeymaha Mareykanka ay daciifiyaan xarumaha iyo godadka ay ISIS ku go’doonsan yihiin.

Dagaalladan ayaa noqday kuwii ugu culusaa ee ka dhaca buuraleyda Calmiskaad bilihii ugu dambeeyay, xilli Puntland ay wado dagaal joogto ah oo lagu doonayo in lagu burburiyo xarumaha kooxda ISIS ee gobolka Bari.

insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira