Madaxwyenihii hore ee maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horreysay bixiyay wareysi xasaasi ah, tan iyo markii uu banneeyay xilka ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin uu la kulmay muddadii uu xilka hayay, isaga oo si gaar ah uga hadlay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo arrimaha diblomaasiyadda.
Muuse ayaa intii uu ku guda jiray wareysiga qiray in Dowladda Federaalka ay uga adkaatay dhanka diplomaasiyadda, gaar ahaan heshiiskii badda ee ay la galeen dowladda Itoobiya, maadaama uu fuli waayey, kadib caqabado soo wajahay Hargeysa iyo Addis Ababa.
Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen dhaqangelinta heshiiska, balse uu ka fuli waayay dhanka Itoobiya, sababo la xiriira culeys ay saartay Soomaaliya oo kasoo martay dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah.
“Arintaas anaga dhankeena diyaar ayay ka ahayd, laakiin Itoobiya waa ay socodsiin weyday waxaa ku kacay wadamadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga islaam-ka oo Soomaaliya taageeray” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dowladdo waa wayn iyo ururada caalamiga ah ay la safteen Soomaaliya, ayna kasoo horjeesteen Itoobiya, kadibna uu sidaas ku hakaday heshiiskii, maadaama uu yimid culeys wayn oo la saaray Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa.
“Itoobiya xitaa wadamada Afrika waxay ugu hanjabeen in xarunta midowga Afrika laga qaadayo, Carabta oo ay Masar hor kaceysana cadaadis wayn ayay saareen, xitaa urur ka Iskaashiga Islaam-ka ayaa isku raacay in Itoobiya qaldan tahay taas ayaana qasabtay in heshiiskii dhaqan gali waayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri.
Biixi ayaa intaasi ku daray in arrintan ay lama filaan ku noqotay isaga iyo Abiy, sidaasna uu kusoo afjarmay qorshahoodii, maadaama ay ka guuleysatay Dowladda Soomaaliya.
“Arinta inay sidaas u dhici karto aniga iyo Abiy Axmed ma aanan filanaynin oo qorshaha kuma darsan” sidaas ayuu u sheegay warbaahinta hogaamiyihii hore ee maamulka Soomaalilaan Muuse Biixi.
Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligiisii hoggaaminta Somaliland lagu xasuustaa sida ay uga go’neyd fulinta heshiiska badda, wuxuuna mar kastaa dhaleeceyn jiray Muqdisho, balse markii dambe waxay sheekada kusoo dhammaatay in isagii meesha uu ka baxo, kadib doorashadii ka dhacday Somaliland, Itoobiyana ay heshiis la gasho Soomaaliya.