Tuesday, October 7, 2025
24.8 C
Mogadishu

Somaliland iyo Taiwan: Qalabka Casriga ah iyo Siyaasadda Badda

Share

Warbaahinta Taiwan ayaa dhwaan ku warantay in bartamaha sanadkaan Somaliland iyo Taiwan kala saxiixa doonaan heshiis Milatari oo Somaliland u ogolaanaya qalabka milatariga oo ay ku jiraan kuwa gaadiidka Bada. Warbixinta waxa ay intaas ku dartay in hubkaani yahay mid ay iska badaleen ciidanka Taiwan oo lagu qalabeeyay hubkii ugu dambeeyay. Dabcan hubka ay iska badaleen ciidanka Taiwan hadii Africa la keeno waxa uu noqonayaa kan ugu casrisan ee qaarada laga isticmaalo.
Somaliland ayaa dhowr dufcadood oo tababar ah u dirtay Taiwan sidoo kale wasiir Fiqi ayaa jiritaanka warkaasi maanta cadeeyay. Taiwan waxaa laga joojiyay dhanka hawada balse su’aashu waxa ay tahay malaga joojin karaa dhanka bada?
Shiinaha mid ka mid ah wadamada ugu dhaqaalaha, siyaasada iyo awooda badan caalamka, waxa uu maalgalin ku sameeyay inta badan wadamada Africa oo ay tusaale u yihiin kuwa dariska. Senotaro Maraykan ah ayaa Soomaaliya ugu hanjabay in ay qaadi doonaan talaabooyin aargudasho ah hadii aysan Soomaaliya ka laaban go’aanka ay ku diiday baasaboorka Taiwan.
Soomaaliya maxay ku qabtaa Shiinaha?, Maxayse tahay siyaasada dowlada ee ku wajahan Shiinaha?
insidesomalia.net

Aqri kuwa kale

La Xiriira