Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Transition Mission in Somalia, ayaa ka hadlay natiijo la’aanta ku soo dhammaatay wada-hadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May, kuwaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu bogaadiyay dib u billowga wada-xaajoodyada, iyadoo sidoo kale loo mahadceliyay saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay fududeynta kulamadaasi.
Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku aaddan in wada-hadalladaasi mar kale ku soo dhammaadeen iyadoo aan xal laga gaarin qodobadii muhiimka ahaa ee la isku mari waayay.
Xafiiska ayaa xusay in dhinacyadu ay muujiyeen rabitaan ah inay sii wadaan wada-hadalka, isla markaana ay raadiyaan hannaan wax ku ool ah oo lagu xallin karo khilaafaadka jira.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad kala guur ah, iyadoo howlgalka United Nations Transition Mission in Somalia la filayo inuu soo gabagabeeyo shaqadiisa bisha October ee sanadkan.
Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mudnaanta siiso wadatashi loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, si loo helo is-afgarad ku saabsan hannaan doorasho oo mideyn kara dalka isla markaana la hirgelin karo.
Sidoo kale, bayaanka ayaa shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee adag iyo khatarta joogtada ah ee argagixisada.
Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay is-xakameyn siyaasadeed, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo bah-wadaagta caalamiga ah si loo taageero dadaallada lagu soo afjarayo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.

