Koox hubaysan oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday guri ay deggenaayeen dad rayid ah oo ku yaalla tuulada Raaxeeye, degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Weerarka ayaa sababay dhimashada haweeneyda qoyska, halka wiilkeeda, Feysal Maxamed Cabdullaahi, uu dhaawac soo gaaray. Dhaawaca Feysal ayaa markii dambe loo qaaday Isbitaalka Baardheere si loogu dabiibo.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu u muuqday mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday qoyskaasi, inkastoo aan wali si rasmi ah loo caddeyn sababta. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in xubno kale oo qoyska ka tirsan, kuwaas oo aan xilligaas guriga ku sugneyn, la rumeysan yahay inay ahaayeen dadka la doonayay in la beegsado.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ay kaga hadleen mas’uuliyadda ama faahfaahinta weerarkan.
Al Shabaab ayaa hore loogu eedeeyay inay si joogto ah u fuliso weerarro iyo dilal qorsheysan oo ay ku beegsato dad ay ku tuhunto inay xiriir ama taageero la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale kuwa ka soo horjeeda fikirkeeda.

