Safiirka Turkiga ee Muqdisho oo macsalaameeyay Soomaaliya.

Share

Safiirkii Türkiye u fadhiyay Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa soo gabagabeeyay muddo-xileedkiisii Muqdisho, kaddib markii uu dalka ka howlgalayay tan iyo Maarso 2024. Aktaş ayaa u ambabaxaya magaalada Skopje ee dalka North Macedonia, halkaas oo uu ka qabanayo xil cusub.

Farriin sagootin ah oo uu u diray shacabka Soomaaliyeed, ayuu kaga hadlay isbeddellada uu ku arkay Soomaaliya iyo kobaca xiriirka labada dal. Wuxuu sheegay in muddadii uu Muqdisho joogay uu si dhow ula shaqeeyay dowladda, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Aktaş ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu si weyn u ballaartay, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka, maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha. Waxa uu sidoo kale tilmaamay iskaashiga cusub ee dhaqaalaha buluugga ah, shidaalka iyo gaaska.

Safiirka ayaa sheegay in uu arkay horumar muuqda oo ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, isaga oo xusay kobaca ganacsiga, maalgashiga iyo shaqo-abuurka. Waxa uu sheegay in fursadaha dhaqaale ay muhiim u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka siyaasadda, Aktaş wuxuu taageeray geeddi-socodka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka dalka.

“Türkiye waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Aktaş.

Ugu dambeyn, Aktaş ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweyntii ay isaga, qoyskiisa iyo shaqaalaha safaaradda u muujiyeen, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay meel gaar ah kaga jirto qalbigiisa.

Aqriso

La Xiriira