Ku dhowaad 7,000 ceel-biyood oo halis ugu jira fatahaadaha Deyrta

Share

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa sheegay in ku dhowaad 7,000 ceel-biyood oo ku yaalla hareeraha webiyada ay halis ugu jiraan waxyeello ka dhalata fatahaadaha la filayo xilliga Deyrta.

Bidhaan ayaa sheegay in haddii ceelasha ay fatahaaduhu galaan ama ay dhoobo ka buuxsamaan, ay adkaan karto in dib loo howlgaliyo, taas oo saameyn ku yeelan karta helitaanka biyaha ee bulshooyinka ku nool deegaannada fatahaaduhu saameeyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in saadaasha Super El Niño ay muujineyso suurtagalnimada roobab culus iyo fatahaado inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar. Waxa uu dowladda, maamul-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay inay si wadajir ah uga sii diyaar garoobaan xaaladda.

Dhanka kale, Bidhaan wuxuu ka digay in haddii roobabka Deyrta ay yaraadaan, qeybo ka mid ah Soomaaliya ay wajihi karaan abaar, gaar ahaan maadaama roobabkii Gu ay meelo badan dalka ka mid ah ku yaraayeen.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa sidoo kale sheegtay in 29 degmo oo ku kala yaalla 14 gobol ay si gaar ah ugu nugul yihiin fatahaadaha webiyada iyo daadadka roobabka xooggan.

Hay’addu waxay sheegtay in fatahaadaha webiyada ay khatar ku yihiin deegaannada ku teedsan Jubba iyo Shabeelle, halka roobabka xooggan ee muddada gaaban ay sababi karaan daadad saameeya magaalooyin, waddooyin iyo dhulalka hoose.

SoDMA ayaa bulshada ugu baaqday inay horey uga sii diyaar garowdo fatahaadaha, si loo yareeyo khasaaraha nafeed, burburka kaabeyaasha iyo waxyeellada hantida.

Aqriso

La Xiriira