Weerar bas yar oo ka dhacay Mandheera ayaa lagu dilay lix qof

Share

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo rasaas ku furay baska oo marayay meel u dhow magaalada Carabiya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Beracawayoon oo ah deegaan miyi ah oo dhowr kiilo mitir u jira deegaanka Carabiya, waxaana la sheegay in dadka la dilay ay ku sii jeedeen ka qeybgalka xaflad qur’aan akhris ah oo qoysku ay ku lahaayeen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaarigan uu ahaa mid si gaar ah loo soo kireystay si uu u daabulo ehelada iyo dadka martida ku ah goobta ay ka dhacayeen shirka diiniga ah, markii ay la dhaceen kooxo hubeysan, taasoo keentay khasaare kala duwan iyo argagax soo wajahday dadkii badbaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga, islamarkaana ay ku dhinteen dhowr qof oo rakaab ah, halka kuwa kalana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.

Xigasho: Arab Media Network

Aqriso

La Xiriira