Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in Ankara ay faragelin ku heyso arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya, isla markaana ciidamadeeda militari ay taageerayaan dhinac gaar ah.
Qoraal kasoo baxay Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, loona adeegsanayo marin-habaabinta aragtida dadweynaha.
Turkiga ayaa caddeeyay in iskaashigiisa Soomaaliya uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kana dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo diiradda saaraya taageerada amniga, xasilloonida, iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in joogitaanka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya uu ku kooban yahay tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, casriyeynta hay’adaha amniga, iyo xoojinta la-dagaallanka argagixisada.
Dowladda Turkiga waxay si cad u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn hanaanka doorashooyinka ama khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan tahay geeddi-socod dimuqraadi ah oo nabad ku dhisan, iyadoo ixtiraamaysa madaxbannaanida iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

