Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo tagaya Garowe si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Share

Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay safar siyaasadeed ku tagaan magaalada Garoowe, halkaas oo ay kulamo gaar ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigan diblomaasiyadeed ayaa waxaa qeyb ka ah Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, ku-simaha safiirka Dowladda Maraykanka iyo saraakiil ka tirsan taliska AFRICOM, kuwaas oo Puntland kala hadli doona xaaladda guud ee dalka, muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka, iyo dadaallada lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo madasha mucaaradka.

Kulamadan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada caalamiga ah ee la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo beesha caalamku ka digeyso in khilaafka doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ay horseedi karaan xasillooni darro hor leh, haddii aan xal wada-ogol ah laga gaarin.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in wakiiladu ay doonayaan inay garab ka geystaan dib u furidda waddadii wada-xaajoodka, islamarkaana ay Muqdisho ku kulmiyaan dowladda federaalka iyo mucaaradka si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta, loona helo hannaan siyaasadeed oo lagu wada qanci karo.

Beesha caalamka ayaa hore u sheegtay in aysan weli lumin rajada laga qabo xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo ismariwaaga jira, waxayna si joogto ah ugu baaqayeen dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka hormariyaan danta dalka iyo xasilloonida guud danaha siyaasadeed ee gaarka ah.

Dhanka kale, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa markale ku celiyay baaqooda ku aaddan in siyaasiyiinta Soomaalidu ay si degdeg ah ugu soo laabtaan miiska wada-hadallada, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Aqriso

La Xiriira